Home Wararka Xisbiyada UCID Iyo Kulmiye Oo Ku Heshiiyay Inay Doorashooyinku Qabsoomaan...

Xisbiyada UCID Iyo Kulmiye Oo Ku Heshiiyay Inay Doorashooyinku Qabsoomaan Sannadkan 2019

14
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Xisbiyada UCID Iyo Kulmiye Oo Ku Heshiiyay Inay Doorashooyinku Qabsoomaan Sannadkan 2019

Xisbiyada UCID iyo Kulmiye ayaa sheegay in ay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyay saddexda xisbi sidaa darareed labadooda oo keliya ay gaadheen heshiis rasmiya.

  • Qodobada lagu heshiiyay waxa ka mid ah in guddidan doorashada ee hadda joogaa ay sii wadaan hawlaha ka horreeya doorashada, marka wakhtigoodu dhammaadana la soo magacaabo guddi doorasho oo 7 xubnood ka kooban.

Labada xisbi ayaa ku eedeeyay xisbiga Waddani in aanu diyaar u ahayn doorasho wakhtigeedii ku dhacda.

Xisbiga Waddani ayaa hore kalsoonida ugala noqday guddida doorashada ee hadda la sheegay in ay sii wadayaan hawlaha ka horreeya doorashada.

Labada xisbi ee UCID Iyo Kulmiye ayaa ku eedeeyay xisbiga Waddani in aanu diyaar u ahayn doorasho dalka ka dhacda oo wakhtigeedii qabsoonta.

Xisbiga Ucid iyo Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in ay fashilmeen wadahadaladii u dhexeeyay saddexda xisbi sidaa darareed labadooda oo keliya ay gaadheen heshiis oo ay ku qabsoomayaan doorashooyinku.

Halkan Ka Akhri Nuqulka Heshiiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here