Home Wararka Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Somaliland UCID Iyo Waddani Oo Go’aamo Adag Si...

Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Somaliland UCID Iyo Waddani Oo Go’aamo Adag Si Wada Jir Ah U Soo Saaray Labada xisbi ee UCID iyo Waddani ayaa ku baaqay in la qabto doorasho madaxtooyo oo xilligeedii laga soo hormariyo lana qabto sannadkan 2020 maadama oo madaxweyne Biixi, hoggaaminta dalka ku fashilmay sida ay hadalka u dhiggeen.

12
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Shir ay isugu yimaadeen hogaanka labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga UCID ayaa go’aamo aad u adag laga soo saaray waxaanay u dhignaayeen sidan

“Maanta waxa muuqata in Muuse Biixi u xuubsiibtay kaligii taliye cagtana saaray waddadii hore loo eeday ee qayrkii iyo jananadii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen.
Waxa muuqata in uu burburiyay dimuqraaddiyaddii curdinka ahayd ee la korinayay islamarkaana tacab badani shacbigan ka galay.

Waxa muuqata in uu mijo xaabiyay Qarranimadii iyo ummadnimadii Somaliland oo maanta ku jirta jaahwareer siyaasadeed.
Waxa muuqata in uu xintan iyo xifaaltan ka dhigay maamulkii dalka ee loo igmaday islamarkaana si badheedh ah u jabiyay dastuurkii iyo xeerarkii dalkani lahaa.
Waxaan maanta cidna caad ka saarnayn in hay’addihii iyo aqalladii haybadda Qaranka u taagnaa ilaalinta iyo fulinta shuruucda uu si badheedh ah xididada ugu siibay oo ay noqdeen saylad Muuse ka adeegto.

Waxa marag ma doon ah in Muuse maanta cid walba dhabarka u soo jeediyay oo lexejeclo ka leh dalkan wanaag iyo horumarna la rabta iyo jiritaanka Somaliland haddii ay tahay xisbiyada Qaranka, Beesha Caalamka, haddii ay tahay waxgaradka, culimada iyo ganacsatada Somaliland, waxaana u dambeeyay go’aammadii ergada dhexdhexaadinta ee uu ganafka ku dhuftay iyada oo saddexda xisbi ba aqbaleen.
Waxay maanta taladiisii gurracnayd ee kaligii ahayd ee uu dalka ku hoggaaminayay keentay in uu Somaliland ku rido god madow oo aanay ka soo waaqsan islamarkaana ina dhaxal siisa guuldarro iyo tacab khasaar weyn.

Waxaad ogaydeen in Muuse isaga oo khiyaamooyinkii iyo dabinnadii aan naftiisa dhaafsiisnayn hirgelintooda sii wada uu labada kaga dhex dhawaaqay in uu furayo ururrada siyaasadda ka hor muddo xileedkii asxaabta Qaranka kadib markii uu ka takhalusay labadii gole Qaran (Baarlamaanka) iyo maxkamadihii, iftiinka qudha ee umadda u baxayay xukumaddana ka hor taagna dibin daabyada iyo khaladaadka joogtada ah ee ay ku jirto waxay ahaayeen xisbiyada Qaranka, tallaabadan uu qaaday waa burburinta xisbiyo madax bannaan oo Qaran oo uu isagu u arko caqabad in ay ku yihiin qorshihiisa kalitalisnimo ee uu ku hammiyayo.

Arrimahan oo kale waxa uu uga jeeda in uu indhaha dadka kaga jeediyo fashilka kaga dhacay siyaasadda arrimaha dibadda iyo hoggaaminta gudaha, in uu dib u riixo doorashooyinkii qorshaysna sanadkan ee baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka si uu u heli isna muddo kordhin madaxtooyo oo xaaraan ah;
In uu burburiyo xeer 14 oo uu sida uu doono u qorto ugana ansaxsado goleyaasha Qaranka si uu u soo saaro ururro iyo xisbiyo cusub oo xukumadda taabacsan, tallaabooyinkaas oo dhammaystiraya qorshihiisa kalitalisnimo.
Waa sharci darro in xeerarka loo bedelo dano gaar ah; xeer kasta oo khuseeya doorashooyinka oo aan laga talo gelin asxaabta Qaranka ee ay khuseeyaan wax ka bedelkiisu waa sharci darro waana xaaraan.

Waxay fursad muddo kooban ah labada xisbi siinayaan dadaalka gudaha iyo Beesha Caalamka.”
Ugu dambeyn labada guddoomiye xisbi Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxay bulshada u iftiimiyeen in aanu wali madaxweyne Biixi bulshada war run ah ka siin kulankii Addis Ababa uu kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya, warqadda Itoobiya loo diray iyo weftigii Itoobiya soo dirtay waxaanay ugu baaqeen in hadimooyinka arrimahaasi ku qarsoon la iftiimiyo oo xogta saxda ah bulshada lala wadaago.
Dhammaad.

Labada xisbi Qaran waxay xalka iyo badbaadinta Somaliland ee marxaladdan maanta aan ku jirro u arkaan in doorasho madaxtooyo oo xilligeedii laga soo hormariyo ka qabsoonto dalka sanadkan 2020 gudihiisa maaddaama Muuse ku fashilmay hoggaaminta dalka;
In la qabto doorashooyinkii qorshaysnaa ee golaha wakiillada maaddaama golahani muddo dhaaf yahay inka badan 10 sannadood, in sida oo kale la qabto doorashooyinkii qorshaysnaa ee goleyaasha degaanka isla sanadkan aan ku jirno ee 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here