Home Wararka Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah U Sameeyay Garabka Badbaadinta...

Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah U Sameeyay Garabka Badbaadinta Xisbiga WADDANI .

11
0

Xisbiga UCID  Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah U Sameeyay Garabka Badbaadinta Xisbiga WADDANI .

 

 

 

Xisbiga UCID Ayaa maanta xaflad balaadhan oo uu ku soo dhawaynayo Garabka Badbaadada Xisbiga WADDANI Ku qabtay Magaalada Hargaysa, kuwaas oo ku soo biiray Xisbiga UCID .

Xafladdan oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaaismay ayaa ahayd mid ilyartu is qabatay oo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga UCID, Xubnaha Garabka Badbaadada Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashoodi, Haween, Dhalinyaro iyo taageerayaal kale  .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Xog-hayaha Golaha Dhexe Maxamudu Cali Jiir waxaanu sheegay in Degmada Axmed Dhagax ay horeba u ahayd Xisbiga UCID, intii hadhayna ay maanta ku soo biirrtay UCID .

Xubnaha Hogaanka Garabka Badbaadada WADDANI oo dhawaan ka soo digo-rogtay Xisbiga WADDANI ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanay sheegeen in ay ku hungoobeen Xisbiga WADDANI, isla markaana maanta Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay ku suntanyihiin Qabyaalad, balse Xisbiga UCID yahay Xisbiga Qudha ee qabyaaladda ka fog, Dalkuna u baahanyahay .

Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad Taarikhi ah, isagoo ka waramay taarikhdii Balli-Gubadle iyo haldoorka ka soo jeeda Deegaankaasi ee ku suntan Taarikhda Somaliland .

Sidoo kale wuxu Gudoomiyuhu u hogo-tusaaleeyay Bulshadii halkaasi ku sugnayd xaaladda dhabta ah ee lagu suganyahay, iyo sida looga bixi karo .

Ugu danbayn Gudoomiyuhu wuxuu bulshada ugu baaqay in ay codkooda ku badbaadiyaan qaranka oo ay u codeeyaan Xisbiga UCID .

Intii ay socotay Xafladu waxaa halkaasi lagu soo bandhigay Heeso cusub oo ay soo bandhigeen Fanaaniinta Xisbigaasi .

 

 

IMG_9179 IMG_9188 IMG_9191 IMG_9197 IMG_9198 IMG_9205 IMG_9209 IMG_9210 IMG_9227 IMG_9230 IMG_9236 IMG_9243 IMG_9244 IMG_9245 IMG_9252 IMG_9275 IMG_9278 IMG_9297 IMG_9299 IMG_9308 IMG_9312 IMG_9316 IMG_9326 IMG_9329 IMG_9340 IMG_9344

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here