Home Wararka Xisbiga Ucid Oo Magalada Burco Ku Qabtay Munaasibad Ay Kusoo Dhawaynayeen Taageerayaal...

Xisbiga Ucid Oo Magalada Burco Ku Qabtay Munaasibad Ay Kusoo Dhawaynayeen Taageerayaal Kusoo Biiray Xisbiga+Sawiro

16
0

Xisbiga Ucid Oo Magalada Burco Ku Qabtay Munaasibad Ay Kusoo Dhawaynayeen Taageerayaal Kusoo Biiray Xisbiga+Sawiro

Hargeysa (UCID-Media Group) Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbiga Ucid ayaa waxaa Xisbigu ku soo Dhaweenayay Taageerayaal Xisbigaasi ku soo biiray .

Waxaanay Munaasibaddani ay ka dhacday Magaalada Burco iyadoo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Saraakiisha ugu sareesa Xisbiga Ucid , Madax Dhaqameed ka soo kicitimay Gobolada Sool , Sanaag iyo Buuhoodle iyo Taageerayaal kale .

Ugu horeen waxaan halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Ee Xisbiga Ucid Mudane Aadan waxaanu si kal iyo lab ah u soo Dhaweeyay taageerayaasha Xisbiga ku soo biiray .

Waxaa iyaguna halkaasi Ka hadlay Guddoomiye ku Xigeenka Sool/Buuhoodle  Ee Xisbiga Ucid Mursal Maxamed Ismaaciil Iyo  Gudoomiyaha Xidhiidhka Gobolada Bari Ee Ucid Axmed Khaliif Caabi waxaanay si isku mid ah Xisbiga Ugu soo Dhaweyeen Taageerayaashaasi .

Sidoo kale waxay muujiyeen taageerada ay xisbiga u hayaan iyagoo sheegay in bulshada ku  dhaqan Gobolka Sool ay cududdooda iyo Codkoodaba ay ku hubsanayaan Xisbiga Ucid .

Caaqil Cabdi Jaamac Ducaale (Gaas) , Caaqil Cabdi  Maxamed Jaamac , Suldaan Kayse oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay  sheegeen in Xisbiga Ucid yahay xisbiga ugu haboon in uu talada dalka ku guuleesto .

Guddoomiyaha Uk Ee Xisbiga Ucid Mudane Siciid Ucid oo hadlay ayaa bulshada bariga Somaliland si adag ugu dardaaray in ay is muujiyaan oo ay Diinwaangalinta galaan .

Sidoo kale Xisbiga Ucid wuxuu ku tilmaamay Xisbi u taagan had iyo jeer dhismaha qaranka iyo sdiii looga hor tagi lahaa wax kastoo hagar daameenaya Somaliland  .

Gunaanadkii xafladaasi waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay in ay Xisbiga ku soo Dhaweenayaan Taageerayaasha ku soo biirtay , waxaanu ka waramay Taariikhda Xisbiga Ucid iyo Magaalada Burco  .

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ku booriyay Bulshada ku Dhaqan Gobolada Bariga gaar ahaan , Gobolada Sool Iyo Buuhoodle in ay diinwaangalinta galaan oo ay is muujiyaan .
Halkan Ka Daawo Khudbada Guddoomiye Faysal ka Jeediyey Madasha

Screenshot_2016-03-24-15-59-11-1Screenshot_2016-03-24-15-59-11-1Screenshot_2016-03-24-15-59-01-1Screenshot_2016-03-24-15-58-49-2Screenshot_2016-03-24-15-59-01-1Screenshot_2016-03-24-15-58-49-1Screenshot_2016-03-24-15-58-36-1Screenshot_2016-03-24-15-58-16-1Screenshot_2016-03-24-15-58-02-1-1Screenshot_2016-03-24-16-09-45-1Screenshot_2016-03-24-15-51-12-1FB_IMG_1458832098036FB_IMG_1458832077626Screenshot_2016-03-24-15-51-12-1Screenshot_2016-03-24-15-51-04-1Screenshot_2016-03-24-15-51-04-1Screenshot_2016-03-24-15-50-25-1FB_IMG_1458832073450Screenshot_2016-03-24-15-50-01-1-1Screenshot_2016-03-24-15-49-01-1Screenshot_2016-03-24-15-44-53-1FB_IMG_1458832016144Screenshot_2016-03-24-15-44-31-1Screenshot_2016-03-24-15-44-09-1Screenshot_2016-03-24-15-43-49-1Screenshot_2016-03-24-15-50-01-1-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here