Home Wararka Xisbiga UCID Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Qurbojoogta Xisbiga Ucid Ee Ku...

Xisbiga UCID Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Qurbojoogta Xisbiga Ucid Ee Ku Sugan Dalka + Sawiro

18
0

Munaasibad Bilan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa Habeenkii xalay ahaa ka dhacday Hotel Scandanivian Ee Magaalada Hargaysa .

Ujeeddada Munaasibaddan ayaa ahayd Casho Sharaf Xisbiga UCID uu ku maamuusay Qurbo joogta ku sugan Dalka Ee ka tirsan Xisbiga UCID .

Waxaana ugu horeen Munaasibaddaasi ka hadlay oo hadalo soo dhaween ah ka yidhi Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga Sida Gudoomiyaha  Xisbiga UCID Ee Gobolka Maroodijeex Cabdi Dool Kaariye, Afhayeenka Xisbiga UCID Maxamed Xasan Shabaash kuwaas oo si isku mid ah u soo dhaweeyay Qurbo joogta Xisbiga UCID  .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Garabka Haweenka Heer Qaran Xaliimo Cismaan iyo ku Xigeenka Garabka haweenka Heer Qaran Marwo Xukun Daahir, waxaanay sheegeen in Qurbo joogtu laf-dhabar u yihiin Xisbiga iyo Dalkaba .

Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Salaf iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Saaxil oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa Qurbo joogta ku soo dhaweeyay Dalka .

Xubno ku hadlayay Afka Laamaha Dibadda Sida, Sweden, Denmark, North America, UK aya Halkaasi ka hadlay, waxaanay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay ka mid yihiin Xisbiga UCID, waxaanay rajjo fiican ka muujiyeen In Xisbiga UCID uu noqdo Xisbiga Talada Dalka la wareegi doona Mustaqabalka Dhaw .

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga UCID Mudane Yuusuf Googooye oo halkaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay Qurbojoogta kaalinta ay kaga jiraan Dhismaha Xisbiga, waxaanu ku dardaaray in Xisbiga xoog iyo wakhtiba la galiyo si loo gaadho guusha la hiigsanayo .

Ugu danbeentii waxaa munaasibadaasi casho sharafta ah soo gunaanaday Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu halkaasi ka jeediyay KHudbad Taarikhiya oo dhinacyo badan taabanaysa .

Waxaanu Gudoomiyuhu dul istaagay Xaaladda uu dalku ku jiro iyo sida loo soo nooleeyay Qabyaaladda, isagoo si gaar ah u xusay in qabyaaladda la soo nooleeyay ay sabab u noqotay in la hor istaagao maalgalin kasta oo lagu sameen lahaa dalka .

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Qurbo joogga ku amaanay kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan Dhismaha Xisbiga iyo Horumarka Dalka, isagoo ku dardaaray in la ilaaliyo qaranimada Dalka, lagana fogaado qabyaaladda iyo wixii wiiqayaa qaranimada .

Si kastaba ha ahaate Munaasibaddan ayaa ku soo gabogabowday jawwi degen oo farxadi ku dheehantahay .

 

Capture IMG_5688 IMG_5690 IMG_5705 IMG_5708 IMG_5710 IMG_5715 IMG_5726 IMG_5734 IMG_5743 IMG_5753 IMG_5760 IMG_5762 IMG_5767 IMG_5773 IMG_5775 IMG_5780 IMG_5782 IMG_5785 IMG_5792 IMG_5797 IMG_5827 IMG_5837 IMG_5841 IMG_5842 IMG_5848 IMG_5851 IMG_5860 IMG_5867 IMG_5880 IMG_5884 IMG_5885 IMG_5894 IMG_5897 IMG_5900 IMG_5904 IMG_5932 IMG_5954 IMG_5960 IMG_5963

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warkan .

Hoos Ka Daawo Khudbadii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here