Home Wararka Xisbiga UCID Oo Caawa Qabsaday Xaflad Lagu Dar-Dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka...

Xisbiga UCID Oo Caawa Qabsaday Xaflad Lagu Dar-Dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe Ee Hargaysa .

17
0

 

Xisbiga UCID ayaa caawa Xaflad balaadhan ku qabsaday Scandanivian Hotel Ee Magaalada Hargaysa .

Xafladdan ayaa ahayd mid lagu dar-dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, Sidoo kalena loogu diyaar-garoobayo qaadashada kaadh-ka cod-bixiyayaasha Doorashada Dalka Somaliland .

Xafladdan oo ahayd mid il-yartu is qabatay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maasuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga, Dhalinyarada Xisbiga Ee Degmooyinkaasi, Haween, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, iyo taageerayaal Tiro-badan .

Xubno ku hadlayay Dhalinyarada Xisbigaasi UCID Ee Degmooyinkaasi ayaa tilmaamay taageerada laxaad-ka leh ee ay Xisbiga u hayaan, iyo sida aan la isku bar-bar dhigi Karin Murashax Eng Fasyal Cali Waraabe iyo Murashaxiinta kale ee Xisbiyada kale .

Sidoo kale waxay ku booriyeen Taageerayaasha Xisbiga UCID in ay qaataan kaadhadh-ka Cod-bixiyayaasha si ay ula tartamaan dhigooda kale ee Xisbiyada .

Dhalinyaradan oo khudbado taarikhiya madashaasi ka jeediyay, ayaa ku dheeraaday tacabka uu Gudoomiye Faysal Cali waraabe Gashaday Dalkiisa, iyo sida aanu maalin iyo habeen-ba uga daalin ka shaqaynta Danaha   Qaranka Somaliland, Iyagoo Xusay dadaalo badan oo uu dalka ka gaystay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe  .

Ugu danbayn Dhalinyaradani waxay sheegeen in Murashaxa Faysal Cali Waraabe Yahay Hogaamiyaha maanta ku haboon in uu qabto Talada Dalka Somaliland .

Waxaa Gunaanadkii Xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu u mahad-naqay Dhalinyaradii Sama-doon, Ururadii Gobolka Awdal Ee Xisbiga ku soo biirayay Todobaadadii ugu danbeeyay,  Sidoo kale waxaa u mahad-naqay Dhalinyarada Fir-fircoon Ee Xisbiga UCID ee Degmooyinka Maxamed Mooge, Maxamed Haybe ee dadaal-ka Muujiyay .

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu taageerayaasha UCID ugu baaqay in ay qaataan Kaadhadh-ka Cod-bixiyayaasha .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Somaliland ku qasbi-doonaan in uu sameeyo dawlad dhex ah, haddii ay wasiiradu joojin-waayaan ololaha Muuse Biixi ay ugu jiraan ee ay kaga mashquuleen Hawlihi qaran ee loo igmaday .

Xafladdan  oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ku soo dhamaatay Jawwi Degen oo farxadi ku dheehantahay .

 

IMG_9012 IMG_9018 IMG_9020 IMG_9022 IMG_9026 IMG_9027 IMG_9033 IMG_9034 IMG_9044 IMG_9050 IMG_9057 IMG_9059 IMG_9064 IMG_9066 IMG_9068 IMG_9076 IMG_9084 IMG_9089 IMG_9092 IMG_9099 IMG_9102 IMG_9104 IMG_9106 IMG_9110 IMG_9117 IMG_9139 IMG_9141 IMG_9147 IMG_9153 IMG_9161 IMG_9174

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here