Home Wararka Xaflad Sagootin Ah Oo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Ee Dalka UK U...

Xaflad Sagootin Ah Oo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Ee Dalka UK U Sameeyeen Guddoomiye Ku-Xigeenka 3aad Ee Xisbiga Ucid Oo Safar Ugu Baxay Dalkii…

17
0

Xaflad Sagootin Ah Oo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Ee Dalka UK U Sameeyeen Guddoomiye Ku-Xigeenka 3aad Ee Xisbiga Ucid Oo Safar Ugu Baxay Dalkii…

London (UCID-MediaGroup) Madaxda iyo masuuliyiinta Xisbiga Ucid ee dalka Ingiriiska ayaa xalay u samaysay xaflad aad looga soo shaqeeyey iyadoo ay ka soo qaybgaleen tiro kooban oo ka mid ah madaxda uk ee Xisbiga Ucid oo simuuqata u joogay madasha xaflada, in kasta oo la dhowrayey sharciga adag ee u yaala faafitaanka cudurka aduunka ku baahay ee Corona-Virus amaba Covid-19 kaas oo xadidaya tirada dadka isu imaan kara ama Xaflad qabsan kara.

Xaflada waxaa lagu furay aayado Quraanka Kariimka ka dib waxaa mikrafoonkii lagu soo dhaweeyey Af hayeenka Xisbiga Ucid Mudane Mohamed Ali Bilal oo halkaa ka jeediyay kelmado isugu jira guubaabo iyo waano uu u soo jeediyay guud ahaan jaaliyada Somaliland ee dalka Ingiriiska sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen oo ay qabyaalada iyo kala qaybsanaanta isaga saarilahaayeen oo ay uga dheeraan lahaayeen si ay horumar u gaadhi lahaayeen isla markaana ay qayrkood ula tartamilahaayeen,sidoo kale waxaa uu mahadnaq u soojeediyay guddida UK iyo mas’uuliyiinta Xisbiga Ucid ee dalka Ingiriiska soo agaasimay xafladan sagootinka ah.

Waxaa isna madasha ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee dalka Ingiriiska Md #Axmed_Maxamed_Allaale oo u mahadnaqay mas’uuliyiinta Xisbiga Ucid ee soo ka soo qayb galay xaflada ee agaasinkeeda lahayd guud ahaan.Waxa kale oo ku dheeraaday talo uu u soojeediyay jaaliyada ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaan Taageerayaasha iyo Xubnaha Xisbiga Ucid sidii ay qabyaalada isaga ilaalinlahaayeen iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen suulinteeda, horumarka dalka.

Waxaa iyaguna goobta ka hadlay Nuura Ciise Oumar iyo Sahra Axmed Carab Sahra oo iyagu ahaa masuuliyiintii suurta geliyeyey in xafladani qabsoonto waxaanay aad ugu dheeraadeen iyagoo iska daba maray muhiimada ay dadka iyo dalka u leedahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee hadda dalka dib uga bilaabantay waxaanay yidhaahdeen Diiwaan gelintan, ujeeddeedu waa, sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen, dadkii aan hore isu diiwaan gelin ee aan qaadan kaadhadhka codbixinta, kuwa aan wakhtigii diiwaan gelintii hore aan qaangaadhin iyo kuwa uu ka lumay kaadhadhkii hore waana xaquuq qofka muwaadinka ahi leeyahay waxaananu ku boorinaynaa in qof kasta oo qaan gaadhay is diiwaangeliyo.

Ugu danbayntii waxaa hadalkii qaatay Guddoomiye Ku Xigeenka 3aad Ee Xisbiga Ucid Mudane Saed Omar oo aad uga mahad celiyay sagootinta qiimaha badan ee mas’uuliyiinta Xisbiga Ucid u samayeen iyada oo lagu xiro wakhti adag ,waxa kale oo uu kula dardaarmay jaalyada inay midoobaan isla markaana ay aqoonta iyo ilbaxnimada ay dalkii keenaa iyo sidii ay uga qaybqadlan lahaayeen baabi’inta wixii khalad ah ee mujtamaceena ka dhexjira.

Xaflada ayaa ku soo waxay gabagabowday jawi farxad iyo raynraynleh oo dhamaanba ka muqatay dadkii goobta ka soo qaybgalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here