Home Wararka Waxaa Xalay magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer ka qabsoontay, xalfadda shaacinta Murshax...

Waxaa Xalay magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer ka qabsoontay, xalfadda shaacinta Murshax Jamaal Cali Aadan (Jaah) u taagan Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Togdheer

16
0

Burco(Ucid-Media Group) Waxaa Xalay magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer ka qabsoontay, xalfadda shaacinta Murshax Jamaal Cali Aadan (Jaah) u taagan Doorashada Golaha Wakiilada Gobolka Togdheer

Waxaana kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ,Xoghayaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax , Xoghayaha Duulista ee Xisbiga Ucid Bashiir Xamari,Madaxda Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer, Madax dhaqameed, Aqoonyahan, Waxgarad, Dhalinyaro, Haween iyo taageerayaal Tiro-badan.

Dhamaan masuuliyiintii iyo mudantii halkaas ka hadashay, waxay isku raaceen in Murashax Jamaal Cali Aadan(Jaah) yahay xul.

Waxaanay taageerayaasha ugu baaqeen in ay Murashaxan u hiiliyan una codeeyaan maalinta doorashada, inta ka horaysana ay hiil iyo hooba isla bar-bar taag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here