Home Wararka Waftigii Hogaanka Sare Ee Xisbiga UCID Oo Kulmo Muhiim La Qaatay

Waftigii Hogaanka Sare Ee Xisbiga UCID Oo Kulmo Muhiim La Qaatay

13
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Waftigii Xisbiga Ucid Ee Uu Hogaaminyey Guddoomiye Faysal Cali Xuseen Pro Ahmed Muse Abyan Iyo Xoghayaha Arimaha Dibaddaba Hibaq Ali Maydhalaalis Oo kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda dalka Burundi.

Wafttiga oo kulamo la qaatay madaxweyne-xigeenka iyo wassiirro xukuummadda Burundi kamida, waxay hor-dhigeen qaddiyadda Somaliland.

Madaxda reer Burundi waxay si-weyn usoo dhaweeyeen masuuliyiinta reer Somaliland, waxayna sheegeen inay hab-diplomaasiyadeed uga shaqayn-doonaan qaddiyadda Somaliland.

Waftiga reer Xisbiga UCID iyo madaxda reer Burundi ayaa waxaa maalintii shalay ahayd Qado-sharf u samaysay Shirkadda #Dahabshiil xarunteeda Burundi.

Xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Burundi ayaa noqonaya mid ay Somaliland ku yeelanyso saaxiibbo si-dhow ugala shaqeeya Ictiraaf-raadinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here