Home Wararka Waftigii Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Hogaaminayey Ee Socdaalkaa Nabadda Iyo Midaynta Somaliland Oo...

Waftigii Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Hogaaminayey Ee Socdaalkaa Nabadda Iyo Midaynta Somaliland Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey WADAAMO-GOO Iyo Xisbiga UCID Oo Xafiis Ka Furtay

17
0

Waftigii Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Hogaaminayey Ee Socdaalkaa Nabadda Iyo Midaynta Somaliland Oo  Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey WADAAMO-GOO  Iyo   Xisbiga UCID  Oo Xafiis Ka Furtay

 

Wadaamo- Goo (UCID-Media Group) Dadweynaha ku nool magaalada Wadaamo- Goo   ayaa maanta si ballaadhan u soo dhaweeyey wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha   Xisbiga UCID , isla markaana halkaa xafiis ka furtay.

Weftiga guddoomiyaha oo saaka ka ambabaxay magaalada Burco oo ay beryahanba ku sugnaayeen, ayaa meel magaalada wadaamo- Goo ka baxsan ay kaga hortegeen dad isugu jiray bulshada qaybaheeda kala duwan sida masuuliyiin, madax-dhaqameed, haween iyo dhalinyaro aad u tiro banayd oo luxaysay calanka iyo astaamaha u gaarka ah Xisbiga UCID , ayaa loo galbiyey xarunta cusub ee Xisbiga UCID oo isla maanta uu guddoomiyuhu xadhiga ka jaray.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Faysal Cali Xuseen oo halkaa kala hadlay dadweynihii faraha badnaa ee soo dhaweeyey, ayaa si weyn uga mahadceliyey sida ballaadhan ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Wadaamo- Goo  . wadaamogoo_01wadaamogoo_02wadaamogoo_03wadaamogoo_04wadaamogoo_05

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here