Home Wararka Taageerayasha UCID Ee SWEDEN Oo Xalay Munaasibad Ballaadhan Ku Maamusay Gudoomiyaha Garabka...

Taageerayasha UCID Ee SWEDEN Oo Xalay Munaasibad Ballaadhan Ku Maamusay Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada UCID Ikraan Cabdi Gadhle

14
0

Taageerayasha UCID Ee SWEDEN Oo Xalay Munaasibad Ballaadhan Ku Maamusay Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada UCID Ikraan Cabdi Gadhle:-
ikra_01
Stockholm(UCID-Media Group)-Munaasibad Ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna maamusayey Gudoomiyaha Dhalinyarada ee Xisbiga Ucid Marwo Ikraan Cabdi gadhle ayaa xalay ka dhacday Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm. Xafladan Balaadhan oo ay kasoo qayb-galeen boqolal qof oo ka kala yimi gobolada dalka Sweden ayaa lagu caleemo saaray Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee Sweden Marwo Ikraan Cabdi Gadhle. Gudomiyaha sweden ee Xisbiga Ucid, Ibraahim Ali Kirih Iyo gudoomiye ku xigeenka sweden. Waxana xafladan kasoo qaybgalay Gudomiyaha abaabulka Najax Halgan, Nasra Abdi Rahman, Xildhibaano iyo mart sharaf kale iyo weliba Masuuliyiin ka tirsan xisbiga ucid ee Wadanka.

Sidoo kale, munaasibadan waxa hadal kooban ka jeediyey Dheeman Cabdi gadhle, oo kamid ah, soo abaabulayaasha Munaasibadan. waxanay xustay in ay Gudoomiyaha Garabka dhalinyarada ee SWEDEN ay tahay qof karti badan. Isla markaana qaadi karta xilkan iyo mid ka sii sareeyaba.

Geesta kale, kasoo qayb-galayaasha munaasibadan sida ballaadhan loo soo agaasimay, oo hadallo iskaga daba maray ayaa amaan ballaadhan usoo jeediyey ikraan Cabid gadhle oo ah qof karaamo badan isla markana ku suntan shaqsiyad fur-furan oo kasbatay quluubta qurba jooga reer Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee reer SWDEN. Waxa kaloo ay ku tilmaameen Marwo ikraan Cabdi gadhle inay kaalin weyn kaga jirto kasbashada quluubta taageerayaasha Ucid ee dibeda iyo gudaha-ba.

Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee Ucid Ikraan Cabdi Gadhle, ayaa si weyn ugu mahad-celisay kasoo qayb-gayaasha munaasiban iyo cida soo abaabushay, waxanay usoo jeedisay inay isku duubnaad taageerayaasha Xisbiga Ucid, meel kasta oo ay joogan-ba. Waxa kale, oo ay xustay in loo baahan yahay in uu dalkeena ka dhaco is-bedel kafiirsasho u baahan, waxanay tibaaxday in doorkan loo baahan yahay in la doorto aqoonyahanka dhalinyarada ah, si aynu wax uga bedelo siyaasadda ku dhisan qabyaalada dalka ka jirta.

Isku soo wada duubo waxa ay munaasibadani kusoo dhamaantay jawi-degan, farxad iyo damaashad ay dhigayeen taageerayaasha Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee reer SWEDEN, waxana la arkaayey astaamaha gaarka u ah xisbiga oo ay lulaayen taageerayaasha iyo xubnaha xisbigu.ikra_02ikra_03ikra_04ikra_04ikra_05ikra_06
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Xaflada Oo Dhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here