Home Wararka Siyaasiyiin Iyo Aqoonyahan Ka Soo Jeeda Degmooyinka 26 June, Koodbuur Iyo Gacan...

Siyaasiyiin Iyo Aqoonyahan Ka Soo Jeeda Degmooyinka 26 June, Koodbuur Iyo Gacan Libaax Oo Maanta Ku Soo Biiray Xisbiga UCID + Sawiro

15
0

Siyaasiyiinta, Aqoonyahankan ka soo jeeda Degmooyinka 26 June, Koodbuur Iyo Gacan Libaan isla markaana uu hor kacayay Haldoor C/casiis Xaaji Xuseen Cumar Xaashi ayaa maanta Xisbiga UCID ku soo biiray .

Hadhimo Sharafeed uu fidiyay Haldoor C/casiis Xaaji Xuseen Cumar Xaashi ayaa maanta ka dhacday Green Plaza, waxaana ka soo qeyb galay Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Saraakiil ka Tirsan Xisbiga UCID, Madax Dhaqameed, Aqoonyahan, Siyaasiiyiin iyo Mudan kale .

Ugu horeen Waxaa halkasi ka hadlay Xubno ku hadlayay Afka Siyaasiyiinta, Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka ku soo biiray Xisbiga UCID, waxaanay halkaasi ka cadeeyeen in ay Xisbiga UCID la garab taaganyihiin Taageero Mug leh .

Af-hayeenka Xisbiga UCID Mudane Shabaash, Xog-hayaha Golaha Dhexe Maxamuud Cali Muuse Jiir, Suldaan Abu Sufyaan oo ah La taliyaha Gudoomiyahaa oo dhamaantood halkaasi  ka hadlay, ayaa waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweeyeen Haldoorkan ku soo biiray Xisbiga UCID .

Oday Cabdi Laangadhe oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay in madax iyo dhalinyaradan ay ku soo biiraan Xisbiga UCID .

Haldoor C/casiis Xaaji Xuseen Cumar Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeen sharaxaad ka bixiyay sababta Xisbiga UCID u doortay, waxaanu sheegay in uu yahay Xisbi Xaq u dirir ah, isla markaana ay qabyaaladi ka madhantahay .

Ugu danbeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe oo Munaasibadaasi soo gunaanaday ayaa soo dhaweeyay  Aqoonyaha iyo Dhalinyarada ku soo biirtay Xisbiga UCID .

Gudoomiayha ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, taas oo ay la dhaceen dhaman intii ka soo qeyb gashay Xafladaasi .

IMG_4067 IMG_4063 IMG_4055 IMG_4047 IMG_4040 IMG_4039 IMG_4027 IMG_4022 IMG_4017 IMG_4013 IMG_4004 IMG_4001 IMG_3995 IMG_3991 IMG_3988 IMG_3986 IMG_3985 IMG_3982 IMG_3981 IMG_3978 IMG_3976 IMG_3973 IMG_3960 IMG_3922 IMG_3913 IMG_3910 IMG_3901

IMG_4039 IMG_4040 IMG_4047 IMG_4055 IMG_4063 IMG_4067 IMG_4027 IMG_4022 IMG_4017 IMG_4013 IMG_4004 IMG_4001 IMG_3995 IMG_3991 IMG_3988 IMG_3986 IMG_3985 IMG_3982 IMG_3981 IMG_3978 IMG_3976 IMG_3973 IMG_3960 IMG_3922 IMG_3913 IMG_3910 IMG_3901

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here