Home Wararka Sicir Bararka Maxaa Saldhig U Ah:-

Sicir Bararka Maxaa Saldhig U Ah:-

19
0

Sicir Bararka Maxaa Saldhig U Ah:-

Qalinkii: Aqoonyahan Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi12273073_10205458899567909_836073384_n

Marka sixir bararka ama kor u kaca qiimaha la micnayanayo waxa lagu micneeyaa lacag badan oo eryanaysa alaab yar. Tusaale ahaan haddii shan sano ka hor uu $ 20 doolar goyen jireen isku joog dhamays tiran oo dhar ah waxa maanta laga yaabaa in lagu iibsado shaadh ama surwaal. Inta badan sixir bararka marka dhaqaalaha laga hadlayo waxa sal looga dhigaa aragtiyo aynu ka xusi karno aragtida xadiga lacagta (Quantity Theory of Money Model), aragtida isu badalka lacagaha (Currency Exchange Model) iyo aragtida wax soo saarka (Production Model).

Aragtiyahaasi waa kuwo sharaxaya meelaha uu ka iman karo sixir bararku, haddaba si in yar aynu dul istaagno oo aynu fahan kooban uga qaadano.

Aragtida xadiga lacagta oo ugu mihiimsan waxay xooga saaraysaa (real economy) oo ah alaabta suuqa , qiimaha (Price) iyo wareega lacagta (Velocity of Money) marka saddexdaas laga duulo waxay noqonaysa lacagta la hayo ee suuqa wareegaysaa waxay la mid tahay qiimaha oo lagu dhuftay alaabta iyo adeega wadanka yaal. Haddaba marka aynu aragtidan ka hadlayno sixir bararku wuxuu ka yimaadaa lacagta oo uu dawlada bangiga dhexe masuul ugu yahay oo wax ka badal uu ku sameeyo lacagta wareegaysa suuqa tusaale ahaan isagoo lacag cusub oo uu soo daabaca iyadoo aan alaabtii suuqana waxba iska badalin, taasina waxay dhalinaysaa sixir barar. Tusaale ahaan haddii lacagta wadanka taalaa tahay (M= Money Supply) 100’000 kun oo shilling, alaabta wadanka taala ay iyaduna tahay 100 KG oo ka kooban alaabo kala duwan, markaa qiimuhu (Price) wuxuu noqonayaa isku celcelis ahaan Qiimaha oo Loo Qaybiyay Lacagta Guud iyo xadiga alaabta ( P=M/Y 100’000/100= 1’000 shiling. Taas oo ah in halkii kiloo ee alaab ah qiimihiisu yahay yahay Kun shilling.

Dhinaca kale haddaba haddii iyadoo qiimaha halkii kilo suuqa ka joogto intaas uu bangiga dhexe soo daabaco lacag cusub iyadoo alaabta suuqana aanay waxba iska badalin oo lacagtii markii hore suuqa ku jirtay ee ahayd 100’000 kun uu ku kordhiyo in leeg oo ay suuqa lacagta wareegaysaa noqonto 200’000 kun oo shilling, qiimaha rasmiga ah ee halkii kiloo wuxuu noqonayaa 20’000/100= 2’000 kun oo shiling

Qodobkan marka aynu wadankeena ku eegno waxaynu ognahay in baanka dhexe uu inta badan iska soo daabaco lacagta isagoo aan u eegin wakhti iyo suuq toona halka aanu sidiisaba baankeenu qaban adeegyadii baanka dhexe wadanka uga masuulka ahaa balse kaliya uun uu ka adag yahay daabacaada lacagta, waxaanan odhan karnaa waa qodob qayb weyn ka ah dhibtaada sixir bararka.

Ta labaad ee keeni kartaa waxa weeyaan iyadoo dhaqaalaha wadanku kor u kaco (Economic Overheating) oo shaqada iyo wax soo saarka wadanku bato,dadkana dakhligoogu kor u kaco taasina sababto in baahidooda wax iibsigu badato (Demand ) markaas oo uu yimaada nooca sixir bararka ah ee loo yaqaan (Demand Pull Infilation) noocan oo ay sal u tahay baahida wax iibsi ee dadku maadaama dakhliga dadku batay. Marka aynu kan u eegno wadankeena wax saamayn ah kuma laha waayo wax sugan oo aynu kaga cabir qaadano wadankeenu ma laha.

Arrinta saddexaad keeni karta sixir barar waa marka ay qaaliyoobaan alaabta ay warshaduhu wax ku soo saarayaan sida, shiidaalka, mushahaaraayoonka , Iwm, taasina ay keento inay qaaliyeeyaan alaabta shirkaduhu. Taas oo noqonaysa nooca sixir bararka ee loo yaqaan (Cost Push Inflation) aragtidana waxa si faahfaahsan u sharaxaya (Production Model) oo ah in wax soo saarku la mid yahay, shaqalaaha, qalabka dhulka Iwm, waxyaabahaasi aasaaska u ah wax soo saarkuna waxay saldhig u ah kharashka. Arrintana soomaalilaan saamayn kuma laha oo wadanka warshado sidaasi ahi kama jiraan. Waxaase halkaas inoogu jira alaabta aynu dibada ku soo iibsano oo ah wax ugu badan ee aynu isticmaalno taas oo aanay jirin cid ama dawlada si toos ah ula socota heerarka wax is badalayaan iyo heerka ganacsatadeenu isla badalayso.

Ta afraad ee aynu xusi karnaa waxa weeyaan isu badalka lacagaha, tusaale ahaan haddii lacagta wadanku hoos u dhacdo iyadoo sababtu tahay lacago cusub oo la soo daabaco taasina waxay sababi karta in ay samayso isu bedelkii lacagta soomaalilaan oo hoos u dhacda oo doolarkiina sare u kaco taas oo micnaheedu yahay in shilling ka qiimihiisu lumo, arrintani waxay sababtaa in baahida doolarka loo qabo ay badato oo ka saro marto lacagta suuqa taala, waxaanay keensanaysaa lacagtii shilling ah ahayd lagu wada doono doolar taas oo saldhig u ah in doolarku kaco. Arrintan isu bedelka lacagaha oo aan wadankeenu siyaasad cad ka yeelan iyo baahida aynu doolarka u qabno inaynu wax ku soo iibsano dabcan door ayay ku leeyihiin dhibaatada jirta.

Ugu danbayntii dhawrkaa qodob ee aynu xusnay waa meelaha aasaaska ama saldhiga u ah sixir bararka sidaas oo ay tahay dhawrkaas qodob waxa intooda ugu mihiimsan waxa maamulidooda iyo hagidoodaba leh baanka dhexe iyadoo ay jiraan siyaasado loo raaco oo lagu yareeyo aafada sixir bararka.

Gabagabo: si loo yareeyo khatarta baahsan ee sixir bararka waxa looga baahan yahay dawlada inay ka shaqaysiiso baanka dhexe isla markaana la dajiyo dhawrkan arrimood ee hoos xusan

Siyaasada Lacagta (Monetary Policy)
siyaasada Maaliyada(Fiscal Policy)
Siyaasada isu badalka lacaga (Exchange Rate Policy)

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here