Home Wararka Shirweynaha 4aad Ee Xisbiga UCID Oo Lagu Doortay Hogaan Cusub

Shirweynaha 4aad Ee Xisbiga UCID Oo Lagu Doortay Hogaan Cusub

22
0

Hargeysa ( UCID-Media Group) Waxa maanta magaalada Hargeysa ku soo xidhmay shirweynihii 4aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo shalay furmay, waxaana lagu doortay hoggaanka cusub ee xisbiga hoggaamin doona shanta sanno ee soo socda.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa markii 4aad loo doortay Guddoomiyaha ee Xisbiga UCID oo uu soo hoggaaminayey muddo 20 sanno ah tan iyo markii la aasaasay Xisbigaas sannadki 2001-dii.

Waxa kale oo shirweynaha lagu doortay Lix guddoomiye ku-xigeen, waxaana guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, guddoomiye ku-xigeenka 2aad loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil, halka Ismaaciil Faysal Qaadhuux, Siciid Cumar Axmed iyo Canab Cabdi Xirsi loo doortay guddoomiye ku-xigeennada 3aad, 4aad iyo 6aad, waxase wali bannaan booska guddoomiye ku-xigeenka 5aad oo la sheegay inuu Keyd (Reserve) yahay, lamana sheegin cidda uu keydka u yahay iyo goorka la buuxinayo.

Waxa kale oo shirweynaha lagu doortay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID oo loo cumaamaday Ibraahin Cabdi Xuseen, halka ku-xigeenka Xoghayaha Guud loo doortay Maxamed-Khadar Daahir oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somalialnd.

Xoghayaha Guud ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ayaa loo doortay Cabdicasiis Xaamud Axmed.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa doorashada kaddib u mahad-celiyey ergooyinka ka qayb-galay shirweynaha xisbiga UCID, waxaanu sheegay in hankiisu yahay horumarinta Somaliland.

“Waxan idiinku mahadnaqayaa mar haddaad mar afaraadkii i doorateen oo shan sanno oo danbe i doorateen, anigu dalkan waxaan u imid in aynu Qaran noqono, oo halkaynu adduunka kaga jirnay galno,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo noqonaya guddoomiyihii iyo musharixii ugu muddada dheeraa hoggaaminta Axsaabta Siyaasadda ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here