Home Wararka SAWIRRO: Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin...

SAWIRRO: Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa xalay magaalada Burco kaga qeyb-galay, xafladda shaacinta Murashax Jamaal Cabdi Aadan oo u sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Togdheer iyo Murashax Cali Cabdiraxmaan Xuseen (Dawlad) oo u taagan Golaha Deegaanka Burco.

19
0

Burco(UCID-Media Group)Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa xalay magaalada Burco kaga qeyb-galay, xafladda shaacinta Murashax Jamaal Cabdi Aadan oo u sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Togdheer iyo Murashax Cali Cabdiraxmaan Xuseen (Dawlad) oo u taagan Golaha Deegaanka Burco.

Munasibaddan ayaa xalay ka dhacday Hotel Daalo ee Burco.

Waxaana kasoo qeyb-galay, madax-dhaqameed, odayaal iyo taageerayaal tiro-badan.

Murashaxiintan ayaa kasoo jeeda Beesha Cabdalle Arab(Arab-bari).

Xildhibaan Jaamac oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada kana soo jeeda Beeshan oo wakiil ka ahaa Suldaanka Guud ee Beeshan ayaa isla goobtii xafladda Shaacinta, Waxaa uu murashaxiinta ku wareejiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, kadibna Gudoomiyuhuna wuu ka guddoomay.

Xildhibaanka oo hadalka sii wattay ayaa cod dheer ku sheegay in Beeshani taageersantahay Xisbiga UCID, isla markaana uu suldaanka guud ee Beeshani uu sidaas ku dardaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here