Home Wararka Sawiro :- Munaasibadda Shaacinta Aqoonyahan Axmed Ciise Oo Sharaxan Golaha Wakiilada...

Sawiro :- Munaasibadda Shaacinta Aqoonyahan Axmed Ciise Oo Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodijeex.

11
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Magaalada Hargaysa waxaa xalay ka shaaciyay Murashaxnimadiisa Axmed Cabdi Ciise Oo Ka Sharraxan Xisbiga UCID, una taagan Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland.

Waxaana ka qeyb-galay munaasibad casho sharaf ahayd oo xalay ka qabsoontay Maansoor ee Hargaysa, Masuuliyiin uu hormuud u ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Waxgarad, Aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

Aqoonyahankii iyo Haldoorkii halkaas ka hadlay ayaa dhamaantood si isku mid ah carrabka ugu adkeeyay sheegayna in Axmed Ciise yahay Masuulkii haboonaa in la doorto, kana mid noqdo mudanayaasha Golaha Wakiilada.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Murashax Axmed Cabdi Ciise, waxaanu ku dheeraaday muhimadda golaha wakiiladu u leeyahay horumarka qaranka.

Waxaanu Murashaxu bulshada ugu baaqay in ay qaataan kaadhka cod-bixinta.

Ugu dambayn, waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu cod dheer ku sheegay sidii looga wada shaqayn lahaa soo saaridda mudanayaal xul ah oo bulshada anfaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here