Home Wararka Musharraxa Madaxweynaha UCID Oo Shaaciyey Inay Ololohoodii Jimcaha Ku Beddelayaan Sadaqo-bixin

Musharraxa Madaxweynaha UCID Oo Shaaciyey Inay Ololohoodii Jimcaha Ku Beddelayaan Sadaqo-bixin

13
0

Musharraxa Madaxweynaha UCID Oo Shaaciyey Inay Ololohoodii Jimcaha Ku Beddelayaan Sadaqo-bixin

Mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ahna Murrashax Madaxweyne ee Xisbiga UCID , ayaa ku Baaqay in la joojiyo Ololaha Xilliyada Habeenkii, kuwaas oo uu sheegay inay wadaan Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, kaas oo uu ku tilmaamay inuu karah iyo khalkhal-ba ku abuuri karo Bulshada, maaddaama oo Habeennimo ay tahay oo ay jiri karaan Dad xanuunsanaya, Dad Hurdo u baahan iyo Dad waayeel ah oo aan qaadi karin Dhawaaqa iyo Heesaha Samacadaha laga shidayo ee Baabuurtu la wareegayso.

Musharrax Faysal Cali Waraabe oo Maanta Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Jimcaha soo socda oo ku beegan maalinta saddexaad ee ololaha uu Xisbiga UCID u leeyahay inay joojiyeen, isla markaana ku beddeli doonaan isu-soobaxooda inay caawiyaan Dadka Xanuunsanaya ee Cusbitaallada ku jira.

“Haddii aynu dimuquraadiyad qaadannay maaha in aynu fusuq keenno. Waxaan leeyahay horta halla joojiyo lixda habeennimo ee sameecadaha lagu dabaal-degayo oo xalay (Habeen-hore) Hablo ayaa la-laayay ee Bahashu ha bilaabanto lixda subaxnimo illaa lixda galabnimo, habeenkii Dadku wuu nasanayaa.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Musharrax Faysal oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Waxaan Taageerayaashada farayaa in asluub lagu maro wadooyinka marka khayriyada laga yimaado, hablaha iyo wiilasha is-dhexyaacaya ha la joojiyo oo khayriyada ha la kala soco oo Habluhu meel gaar ah, ha istaagaan. Diinteennu ma ogola in la is-dhexgallo.”

“Jimcaha waa maalin cibaado oo anagu maalinta ma baxayno, dadka dhibaato u keenni mayno. Lacagtii faraha badnayd ee Basaska, qaadka iyo qudhunka lagu samaynayay sadaqo ayaanu ku bixinaynaa. Lixda gobol ba waxaanu ka samaynaynaa wixii aannu gaadhsiin karno dadka nugul, dadka soo Bara-kacay ee tuulooyinka degan, dadka xannuunsanaya, Agoomaha ayaannu kharashkii galinaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Faysal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here