Home Wararka Murashaxa Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kulan La Yeeshay...

Murashaxa Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kulan La Yeeshay Raysal Wasaaraha, Dalka Ethiopia Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Iyo Jaaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Ethiopia Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen+Sawiro  

9
0

Murashaxa Xisbiga UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe Oo Kulan La Yeeshay Raysal Wasaaraha, Dalka Ethiopia Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Iyo Jaaliyada Somaliland Ee Ku Dhaqan Ethiopia Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen+Sawiro

 

Hargeysa(UCID-Media Group ) Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mudane Eng Faysal Cali Waraabe oo socdaal ku joogay Maalmihii u dambeeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa maanta kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Iyo Wasiirku Dawlaha Arimaha Dibada dalkaasi

Musharaxiinta Xisbiga UCID waxaa ay Shalsy Kulan La qasteen Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar
Kulankaas oo Lagaga Wada hadlay Arimaha Nabad_galyada iyo Horumarka Labada Dal Iyo xoojinta iyo fududuaynta isku socodka Ganacsiga labada dal.
Kulankaasina Wuxuu ku Soo Dhamaaday Is Af_garad

Weftiga Gudoomiyaha Xisbiga UCID ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID ayaa xalay Kulan la Qaatay Jahliyada Somaliland Ee Ku dhaqan Wadanka Ethiopia Si Uu U Xaal ogaado Baahiyahooda hoose Iyo duruufaha Ay kala kulmaan Wadanka Ethiopia Si Uu ugu gudbiyo baahiyahooda hoose Raysal wasaaraha dalkaas.

Waxaanu ugu horayn Weftiga Murashax Faysal Cali Waraabe uu kulan la yeesheen Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia, kulankaasi oo labada dhinac ay kaga wada-hadleen xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal

Sidoo kale Weftiga Murashax xisbiga UCID Waxaa kulan ku wehelinayey Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga UCID Mudane Prof Ahmed Abdi Musa Abyan Iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Mudane Maxammed Cabdi
Kulankan Musharixiinta Xisbiga UCID Iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka aynu Jaarka Nahay ee Ethiopia Md:Hailemariam Desalegn,oo saacado qaatay qodobadii ay kaga wadahadleen labada dhinac waxa ugu muhiimsanaa sii Xoojinta Xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia . Iyo In dawlada Ethiopia Si hoose u la Socto baahiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Ku dhaqan Dalka Ethiopia.
Sidoo kale Waxaa La Isla garatay in labada dalba  il gaara Ku eegaan jaaliyadaha Ku kala Nool labada dal.
Waxa uu kulankaasi Ku soo dhammaadday is afgarad iyo jawi wanaagsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here