Home Wararka Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Si Xargo Leh U Soo Bandhigay...

Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Si Xargo Leh U Soo Bandhigay Qorshayaasha Xisbigiisa Taageeryaal Badna Ku Kasbaday, Toosna U Tilmaamay In Labada Musharaxa Ee Wadani Iyo Kulmiye  Layli Yihiin.

15
0
Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Si Xargo Leh U Soo Bandhigay Qorshayaasha Xisbigiisa Taageeryaal Badna Ku Kasbaday, Toosna U Tilmaamay In Labada Musharaxa Ee Wadani Iyo Kulmiye  Layli Yihiin.

Hargeysa(UCID-Media Group )Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID oo ka hadlay Qorshayaasha Xisbigiga , dagaal xoogana ku qaadday Murashaxiinta KULMIYE iyo WADDANI

Murashaxiinta Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID ayaa caawa waxaa la dhex dhigay Dood ku aadan Barnaamijyadooda Siyaasiga ah ee ay rabaan in ay ku hoggaaminayaan Dalka.

Waxaana halkaasi lagu waydiiyay Su’aalo kala gaddisan, kuwaas oo ku tacalluqay Barnaamijka Siyaasiga ah Ee uga meel yaalla arrimaha bulshada iyo guud ahaanba Nolosha Bulshada. Dooddan waxaa hagaayay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga, waxaana Gudoominayay Por Cabdisalaan Yaasiin.


u leeyahay Qaabka loo galo Doorashada, sidoo kale Waxaa uu soo bandhigay qorshayaashi ku aaddan baahiyaha asaasiga ah ee bulshada, iyadoo dhamaan jawaabihii uu ka bixiyay su’aalahaasi ay ahaayeen kuwo qanciyay bulshadii halkaasi ku sugnayd.
Murashaxa Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa caawa si hufan oo waafi ah uga jawaabay Su’aalihii lagu ganay, waxaanu muujiyay Waayo aragnimada uu

Sidoo kale Murashax Faysal ayaa aad ugu nuux nuuxsaday Barnaamijkiisa Siyaasiga ah isagoo si cad u bayaaminayay jawaabaha uu ka bixinayay su’aalahii la waydiiyay .

Murashax Muuse Bixii Cabdi ayaa isna caawa ku dadaalay in uu jawaabo ka bixiyo  su’aalihii lala boobay, balse miisaan ahaan iyo siyaasad ahaanba, Murashax muuse kuma guulaysan in uu bixiyo jawaabihii Murashax Faysal ka bixiyay su’aalaha ee ay bulshada madax u luxaysay.

Inkasta Oo Goobta Iyo Hawlwadeenaduba wada Kulmiyeysnaayeen Mar qudha ayuu Murashax Faysal Gediyey Quluubtoodii.

waxaa xusid mudan in Murashax Faysal Cali Waraabe jawaab kasta oo uu bixiyo ay bulshadu kaga dareen-celinayeen sacab iyo sawaxan, taasoo muujinaysay sida ay ula dhacsan yihiin barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga UCID.

Sidoo kale Murashax Muuse ayaa isku dayay in uu muujiyo in u u dulqaadanayo Dhaliilaha Murashax Faysal, Balse wuxuu ka daba keenayay isna Eedeen kale iyo in uu indhaha ka laliyo xaqiiqooyinkii uu Murashax Faysal soo bandhigayay.

Ugu danbayn Murashaxiintan ayaa Muujiyay bisayl siyaasadeed, waxaanay labadooduba ballan-qaadeen in ay nabad-galyada dhawrayaan, isla markaana ay isku haneenayaan marka natiijada Doorashada lagu dhawaaqo. Dooddan ayaa ahayd mid aanu gabi ahaanba ka soo xaadirin Murashaxa Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro, iyadoo Guddidi hawshan wadday ay sheegtay inuu ka cudur-daartay,halka Guddoomiye Cirro-na uu meesha ka saaray inuu jiray martiqaad loo sameeyay.

Si kastaba ha ahaate Doodaha noocan oo kale ah ayaa is beddel ku keeni karaa jihooyinkii ay bulshadu ku dooran jireen Hogaamiyaha talada dalka qaban doonaa, waxaanay ta baddalkeeda ay keeni kartaa in Bulshadu ay saddexda murashax ku kala doortaan Barnaamijkooda Siyaasiga ah .

Hoos Ka Daawo Barnaamijkii oo Dhamaystiran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here