Home Wararka Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Maanta Ka Qeyb-Galay Heshiiskii Taarikhiga Ahaa...

Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Maanta Ka Qeyb-Galay Heshiiskii Taarikhiga Ahaa Ee Somaliland Iyo Khaatumo Oo Uu Tacab-Badan Ku Bixiyay + Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hogaamiye Prof Cali Khaliif Oo Shahaado Ku Abaal-mariyay Murashax Faysal .

10
0
????????????????????????????????????

Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Oo Maanta Ka Qeyb-Galay Heshiiskii Taarikhiga Ahaa Ee Somaliland Iyo Khaatumo Oo Uu Tacab-Badan Ku Bixiyay + Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hogaamiye Prof Cali Khaliif Oo Shahaado Ku Abaal-mariyay Murashax Faysal .

Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibad lagu saxeexayay heshiis taarikhi ah oo dhex maray Somaliland iyo Khaatumo .
Somaliland iyo khaatumo ayaa wado-hadalo qaatay sannad uu dhex marayay, kaas oo maanta lagu soo gunaanaday Magaalada Caynaba Ee Gobolka Saraar .
Waxaana Heshiiskaasi si wada jir ah u saxeexay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo Iyo Prof Khaatumo Prof Cali Khaliif .
Wadahadaladani oo si weyn labadii sano ee u danbeeyay uga socday dalalka imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo Somaliland gudaheeda ayaa maanta kusoo gaba-gaboobay Caynaba. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo si wada jira u saxeexay heshiiska ay gaadheen labada dhinac ayaa waxa hadalka qaatay Prof: galaydh oo si weyn u sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska maanta lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay Galaydh in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.
Murashax Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in u wada hadalladan uu kaga mashquulay hawlihiisa shaqo, maadaama uu yahay Murashax, balse uu ku dadaalay siduu uga midho-dhalin lahaa Wada Hadaladan oo muddo-socday, isla markaana ay maanta u taahay maalin-wayn .
Ugu dambayn Madaxweynaha Somalilnad iyo Hogaamiyaha KHaatumo ayaa si wada jir ah shahaado-sharaf u gudoonsiiyay Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, taas oo uu ku muttaystay dadaalkii aan kala joogsiga lahayn ee uu galiyay Wada Hadaladan guusha ku dhamaaday ee dhex maray Somaliland iyo Khaatumo .

 

 

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here