Home Wararka Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Magaalada Laascaanood...

Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Magaalada Laascaanood Ku Soo Dhaweeyay Hogaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh + Sawiro

15
0

Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Somaliland oo ka mid ahaa xubnaha Guddidii wada hadalada Khaatumo iyo Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay Hogaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh .
Murashax Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay weedho soo dhaween ah, waxaanu sheegay in aanay ka daali doonin sidii ay uga shaqeen lahaayeen Midnimada Reer Somaliland .
Prof Cali Khaliif oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahad-naqay Soo dhaweenta lagu qaabilay, waxaanu cod-dheer ku sheegay In uu ka shaqeen doono Danta umadda ku dhaqan Deegaannada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn .
Hogaamiyaha ayaa soo dhaween aad u balaadhan la kulmay, kuwaas oo kor u lulayay calanka Somaliland .

 

IMG_4788 IMG_4844 IMG_4843 IMG_4842 IMG_4818 IMG_4813 IMG_4809 IMG_4806 IMG_4800 IMG_4799 IMG_4795 IMG_4794

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here