Home Wararka Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID Oo Ka Qayb Galay Shirka Wadamadda Socialist...

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga UCID Oo Ka Qayb Galay Shirka Wadamadda Socialist International Oo Ee Ka Dhacay Dalka Ghana + Sawiro

12
0

Waxa maalintii shalay oo bishu ahayd 07/10/2016 ka furmey casimadda dalka Ghana
magaalo madaxdiisa Acra, shirkii caalamiga ahaa ee African Socialist
International iyadoo shirku uu ka dhacay, Kofi Anan Conference centre,
Waxaana Shirkan marti galiyay  xisbiga NDC ee xsibul xakimka Ghana.
iyadoo 32 dal oo dawladaha Africa ee ku bahoobey
Africa socialist ay ka qeyb galeen .
Waxaa shirka kasoo qayb galey wufuud aad maqaamkoodu aad  u sareeyo oo uu ka
mid yahay madaxwenyne kuxigeenka dalka Ghana, xoghaya guud ee socilist
international Luis Ayala, Mdaxweynihii hore ee greega Goerge
pandarios, Gudoomiyaha barlaanka |Burkina faso, iyo wasiiro iyo madax
faradbadan oo kasocdey xibiyo kal jaad .

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay  qayb galay Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID  iyadoo ay uga qeyb galeen masuuliyinta kala ah Wakiilka European Union iyo socilist
international Mudane Saciid Cumar ( Siciid Ucid) iyo xoghayaha
maaliyadda Mustafe Ibraahim .
Intii uu shirku socday waxa lagu faaleeyey qodobo aad u badan oo ay ugu
muhiimsanaayeen nabadgelyada iyo Amniga oo aad loogu dheeradey iyo sidii
xal loogu heli lahaa dagaaladda ka oogan qaraada africa iyo
Argigixisadda ay la tacaaleyaan wadamda Geeska africa .Galbeedka
africa iyo waqooyiga Africa .

wadamada aad iyo aad loo falanqeeyey waxa ka mida ah  Dalka Nigeria iyo dalalka la jaara oo la tacaalaeya (Boko Haram) dagaalada ka socda South Sudan iyo xukuumada
cusub ee Mali,togo,benin ,dhulka lagu muransanyahay ee saxaraha
galbeed, dagaalada diiniga ah e ka soconaya wadamada galbeedka Africa ,
waxaana  loogu baaqay xukuumadahaas oo dhan inay sida ugu dhaqsaha badan
dagaalada lagu joojiyo, caqligana la isticmaalo madaxduna ay
isticmaasho xeel dheeri siyaasadeed oo  ay ku xalilaan muranada taagan.

Waxaa kale oo shirku ku baaqay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalan
ka faqriga iyo shaqo la aanta aafaysay qaarada madow (Africa) waxa
kaloo goluhu ku baaqay in la xoojiyo dimuqraadiyada curdinka ah ee
Africa ka bilaabantay iyo sidii loo xoojin lahaa dimuqraadiyadaas .
Sidoo kale Waxa kaloo goluhu ku baaqay inay dawladuhu nabada ilaashadaan
islamarkaa wax alaale wixii gacan kahadal keenaya lagu badalo wada
hadal,
Shirkan ayaa manta soo af-meermay, iyadoo gunaanadkii shirka ay soo gabogabeesay  Xog-Hayaha Guud Ee Soclist Internanional Luis Ayale, Waxaanay u mahad naqday Dawladihii ka soo qeyb galay  iyo dawladii martiqaadka bixisay ee xisbul xaakimka ccm ee dalka Tanzania.
Ugu Danbeen Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelka UCID  lagu casuumay shirkii Woman
Socialist International oo ka dhici doona bisha tobnaad ee sanadkan
caasimada dalka Angola Ee Luanda.

 

s1 s2 s3 s4 s5 s6 s7 s8 s9 s10

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here