Home Video Ku xigeenka xoghaya guud ee Xisbiga Ucid ahna musharaxa golaha wakiilada gobolka...

Ku xigeenka xoghaya guud ee Xisbiga Ucid ahna musharaxa golaha wakiilada gobolka Maroodijeex Siyaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan “Qoddax” ayaa Hadhimo sharafeed ku maamuusay qaar kamid ah Siyaasiyiinya waaweyn ee JSL iyo Haldoorka dalka.

26
0

Ku xigeenka xoghaya guud ee Xisbiga Ucid ahna musharaxa golaha wakiilada gobolka Maroodijeex Siyaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan “Qoddax” ayaa Hadhimo sharafeed ku maamuusay qaar kamid ah Siyaasiyiinya waaweyn ee JSL iyo Haldoorka dalka.

Waxaa kasoo qayb galay Siyaasinta kala ah.

Ismaaciil Hurre Buubaa.
Cali Yuusuf (Cali-guray)
Maxamuud Xaashi Cabdi.
Maxamed Cabdi Gabboose.
Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Xuseen Cabdi Ducaale.
Maxamed Nuur Carraale “Duur”
Xildhibaan Waabeeye.
Musharax Maxamed Rambo.
Musharax Laabsaalax.
Guuleed Dafac.
Iyo haldoor kale iyo siyaasiyiin tiro badan.
Masuuliyiinta kulankaasi kasoo qayb galay ayaa ka marag kacay Shaqo wanaagga doorka Odaynimada ah ee ka ciyaaray siyaasadda Somaliland iyo Axsaabta qaranka mudadii uu ku jiray Siyaasadda Cabdinaasir Yuusuf Cismaan “Qoddax” iyagoo ilaahay uga baryay inuu ku garab galo Hankiisa iyo hiigsiga Hogaanka shir guddoonka golaha Wakiilada Somaliland. Iyagoo uga mahad celiyay sida sharafta leh ee uu ugu yeedhay una kulmiyay Haldoorka Somaliland.
Waxaynta tilmaameen inuu yahay siyaasi miisaan culus oo xilliyo adag kasoo saaray Somaliland. Waxayna ballan qaadeen inay la shaqayn doonaan.

Musharax Abdinasir Yussuf Osman oo halkaasi ka hadlay waxaa uu u mahad naqay Siyaasiyiinta iyo Haldoorka kasoo qayb galay Hadhimo sharafeedka uu ku casuumay iyo sida ay usoo ajiibeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here