Home Wararka Khudbad Dhamaystiran: “Arrinta Tog-wajaale Waxaanu Hore Uga Wada Hadalnay Ra’isal Wasaarihii Hore...

Khudbad Dhamaystiran: “Arrinta Tog-wajaale Waxaanu Hore Uga Wada Hadalnay Ra’isal Wasaarihii Hore ee Ethopia, Haddii Abiy Ahmed Uu Fuliyo Wajaale Waxay..,” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

17
0

Wajaale(UCID-Media Group)-Guddoomiyaha xisbiga Ucid iyo wafti u hogaaminayo ayaa magaalada wajaale kaga qaybgalay munaasibad balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay.

Munaasibadan ayaa lagu shaacinayay laba musharax Oo u kala sharaxan golaha wakiilada gobolka maroodi jeex iyo golaha deegaanka degmada gabiley.

Ilaahay mahadii, waxaanu maanta magaalada Wajaale ku gudoonnay laba Murashax oo ka tartami-doona Xisbiga UCID, una taagan Doorashooyinka isku sidkan ee Wakiilada Iyo Deegaanka.

Waxaan shacabka gobta ah ee reer Wajaale uga mahad-naqayaa soo dhawayntii qiimaha badnayd ee ay nagu qaabileen aniga iyo waftigii aan hogaaminayay ee xisbiga UCID.

Guul ayaan u rajjaynayaa dhamaan Murashaxiinta Xulka ah ee Xisbiga UCID.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here