Home Wararka Hogaanka Sare Ee Xisbiga Oo Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Booqasho...

Hogaanka Sare Ee Xisbiga Oo Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Jooga Wadanka Burundi.

14
0

Hargeysa (UCID-Media Group) Waxa aanu safar shaqo ku nimid wadanka Burundi 30/12/2019, Safarkaas oo uu hogaaminayey gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen kuna wehelinayeen xoghayaha arimaha dibada Hibaaq Ali iyo Musharaxii Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Ucid Pro. Axmed Abdi Abyan, halkaas oo aanu martiqaad rasmiya ka helnay Madaxweyne ku xigeenka wadanka Brundi H.E.Gaston Sindimwo.Waxa aanuna saaka abaaro 9 am guda galnay kulan kayagii u horeeyey halkaas oo aanu kulamo la yeelanay madaxda dawlada, lataliyayaasha gaarka ah ee madaxda u sareesa wadanka,sida lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, arimaha dibeda,Difaaca, Isgaadhsiinta iyo Sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka hawl gala wadanka Somaliya.Intii kulan kaasi socday waxa aanu uga xog waranay xaalada guud ee wadanka iyo qadiyada sharciga ah ee Soomaaliland ee aqoonsi raadiska iyo sidii ay labada wadan u yeelan lahaayeen xidhiidh dhaw oo diblamaasiyadeed loogana wada shaqayn lahaa joogteenta xidhiidhka bilawga ah ee labada wadan. Waxay ayana dhankooda si wanaagsan usoo dhaweeyeen xidhiidhka cusub ee labada wadan waxayna balan qaadeen inay ka shaqayn doonaan hirgalinta iyo dar-dar galinta xidhiidhka labada dal.Gaba-gabadi, waxa uu kulan kaasi ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, waxaana loo balamay kulamo kale si halkaas looga sii ambaqaado qodobadii laga wada hadlay.

Xoghayaha Arimaha Dibada xisbiga Ucid – Hibaq Ali Maydhalaalis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here