Home Wararka {Halkan Ka Daawo}Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe...

{Halkan Ka Daawo}Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Tafaasiil Dheeraad Ah Ka Bixiyey Ujeeddada Wixii Uu Daaranaa & Waxay Isla Meel Dhigeen Kulan Dhex Maray Isbahaysiga Isbedel Doonka Kulmiye

24
0

{Halkan Ka Daawo}Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo Tafaasiil Dheeraad Ah Ka Bixiyey Ujeeddada Wixii Uu Daaranaa & Waxay Isla Meel Dhigeen Kulan Dhex Maray Isbahaysiga Isbedel Doonka Kulmiye
Screenshot_2016-02-18-00-57-29-1

Hargeysa(UCID-Media Group):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inuu wada hadal dhex maray garabka isbahaysiga xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Gudoomiye Faysal oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay inay ka wada hadleen siyaasiyiintaas arimo la xidhiidha siyaasada somaliland ee gudaha iyo dibada iyo sidii layskaga kaashan lahaa danta guud, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan sheegayaa in nimankan isbahaysiga la baxay ee dawlada ka mid ahaa inaanu saaxiib ahayn markii ay dawlada ku jireen, rag badana ay naga dhaxaysay wada shaqayn qaran, Faysal ahaana arimaha qaranka igama joojiso mucaarid ayaad tahay, dawlad kasta oo markaa kursiga fadhida wixii aan ku biirin karo waan ku biiriyaa, waana markii ugu horaysay ee intii ay saluugeen shirkoodii iyaga oo isku dhan aanu kulano, waxaanan uga war bixiyey halka ay marayso xaalada somaliland gudo iyo dibadba.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay ka hadlay qodobada ay ka wada hadleen garabka isbahaysiga xisbiga Kulmiye waxaanu mar kale yidhi “Haday maanta xisbigoodii saluugeen waxaan xasuusiyey inay dhacdadan oo kale hore u soo martay xisbiga Kulmiye sanadkii 2008-dii, markii madaxweynaheena musharaxnimadiisa la samaynayey sidaas oo kale ayuu u kala dilaacay, waanan is af garanay waxaanan jecelnahay inay wada hadaladu noo sii socdaan oo nin kastaana damaciisa liqo laakiin danta guud kow laga dhigo, taas ayaanu ku heshiinay, waxaanan jecelnahay inaanu is af garano maadaama oo aanu anagu dan qaran wadno iyaguna dan qaran wadaan, waxa is qabsadaana waa damacyada oo is diida laakiin hadii danta guud laga wada hadlo oo la horaysiiyo dadku way isla helaan”

Ugu danbayn Faysal Cali Waraabe waxa uu guddida doorashooyinka somaliland u soo jeediyey inay talaabo ka qaadaan labada xisbiga ee Kulmiye iyo Waddani oo uu ku eedeeyey inay olole u rogeen diwaan gelinta codbixiyayaasha waxaanu yidhi “Qolada la yidhaahdo guddida doorashadu waa inay soo saaraan inay joojiyaan ololaha ay wadaan labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, waana inagu ceeb in iyada oo dadkeenii bakhtiyayaan in maalin kasta 20 baabuur oo lacagta dawlada ah la isticmaalo, midina lacagtii baarlamaanka ayuu guranayaa, waana in la joojiyaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here