Home Wararka Halkan Ka Daawo Xisbiguna wuu cadeeyay, in Murashaxnimada Jamaal iyo Heshiis-kuba aan...

Halkan Ka Daawo Xisbiguna wuu cadeeyay, in Murashaxnimada Jamaal iyo Heshiis-kuba aan la sharciyeen, oo uu u baahanyahay in la qabto shir-wayne aan caadi ahayn, Shir-waynaha aan caadiga ahayna sidii aanu u qabsan-lahayn, waxaa weeye in aanu raacno Xeerka Xisbig UCID ..” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

13
0

“ Xisbiga UCID, Wuu Dhisanyahay, Wakaaso Goboladii Way Shaqeenayaan, dacaayadaha ah xisbigu ma shaqeenayo, Somaliland oo jirta waa la dacaayadeeyaa, waa xisbiga ugu da’da wayn, waa xisbi aanay taageerayaashiisu guur-guurin, Waanu ka xidid dheer-yahay xisbiyada kale, Xisbiga KULMIYE xidid-kii dheeraa ee mar samees-may, wuxuu ahaa xidid-kaa uu la baxay Gudoomiyihii hore ee KULMIYE, Immikana Madaxweynaha ah, isagu immika meesha wuu ka baxay ( Murashax Maaha), Xidid Cusub ayaa bilaab-maya oo ah ka Muuse Biixi, C/raxman Cirro isaga kiisu Laba Sanno ayuu jiraa, Laakiin Xisbiga tuulo kasta ku leh Xarun ku leh, ee Faysal Cali Waraabe Iyo UCID, Garanayaa waa UCID..,”screenshot_20160914-213829

“ Jamaal Heshiis ayaanu wada galnay, Murashax ayaanu damacnay in aanu ka dhigno, barigii danbe heshiiskaasi muu hirgalin, isagana waan u bogi waynay, hadaad madax tahay, oo lagu aamino oo wax laguu dhiibo, oo la arko in aanad waxba wadi Karin waa lagula tartamayaa, Laakiin ninka aan waxba nagu darsan ee aflagaado uun la soo taagan in aanu ixtiraanno isagoo taageero keenin ee saddexda xisbiba isku maray, horta waa Cali Guray, Laakiin Jamaal Xaq ayuu u leeyahay in uu dacwoodo, oo Murashaxnimadiisa ku dacwoodo, Murashaxnimadiisana looma diidine, waxaa la yidhi may sharciyoobin..,”

“ Xisbiguna wuu cadeeyay, in Murashaxnimada Jamaal iyo Heshiis-kuba aan la sharciyeen, oo uu u baahanyahay in la qabto shir-wayne aan caadi ahayn, Shir-waynaha aan caadiga ahayna sidii aanu u qabsan-lahayn, waxaa weeye in aanu raacno Xeerka Xisbig UCID ..”

“ Jamaal Xaq ayuu u leeyahay, waanu soo dhaweenaynaa in uu ka mid noqdo Xisbiga, hadduu maanta noqon waayo murashax barri ayuu noqon doonaa, Laakiin Maanta waxaanu u aragnaa in aanu la tartami karayn ragga maanta sharaxan ..”
Halka Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here