Home Wararka Haldoor-Ka Dhalinyarada Xaafadda Daami Ee Bariga Magaalada Hargaysa Oo Casho Sharaf Ku...

Haldoor-Ka Dhalinyarada Xaafadda Daami Ee Bariga Magaalada Hargaysa Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe + Sawiro

18
0

 

Haldoor-ka Dhalinyarada wax baratay Ee Xaafada Daami Ee Bariga Magaalada Hargaysa, ayaa caawa Magaalda Hargaysa Casho sharaf ugu sameeyay Gudoomiyaha, Ah-na Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal CalI Waraabe .

Munaasibaddan oo ahayd mid bilan, isla markaana si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax dhaqameed, Aqoonyahan iyo masuuliyiin kale .

Waxaana halkaasi kalmado ka yidhi xubno ku hadlayay afka dhalinyarada aqoonyahanka ah, waxaanay si isku mid ah u sheegeen in Munaasibadani ay tahay mid ay ku maamuusayaan Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, iyagoo ku amaanay doorkii lixaad-ka lahaa ee uu ka qaatay horumarka dhanka waxbarashada ee xaafaddaas ka tisqaaday, iyo muddadii dheereed ee uu dadaalka iyo dhiirigalinta la soo garab taagnaa, waxaanay ku tilmaamay in uu yahay gudoomiye baal dahab ah kaga suntan taarikhdooda iyo heerka ay maanta soo gaadheen .

Sidoo kale waxay amaan balaadhan dusha u saareen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, iyagoo carrabka ku adkeeyay in aanay ilaabi doonin abaalka uu Gudoomiye Faysal ku leeyahay xaafadaas iyo sidii uu ula soo dadaalay ee uu u soo garab taagnaa .

Waxaa xusid mudnaa in mid ka mid ah Dhalinyarada oo ku hadlayay afka Guddidi soo qaban-qaabisay kulankan casho sharafta ah, ayaa sheegay in muddo sideed sanno ka hor ah uu Gudoomiye Faysal uu shahaado gudoonsiiyay, waxaanu sheegay in ay caawa farxad gaar ah u tahay, in uu muddo sideed sanno ku siman ka dib uu isna shahaado sharaf uu siiyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Saraakiil ka tirsan Xisbiga UCID oo kala ahaa Xog-hayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Salaf iyo Xog-hayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C.laahi ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay .

Suldaan Abu Sufyaan ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanu ku amaany Gudoomiye Faysal Cali Waraabe sidii uu soo caawin jiray Xaafaddan, iyo siduu u jeclaa horumar ka tisqaada Xaafaddaasi .

Sidoo kale Suldaan Abu Sufyaan ayaa Gudoomiyaha u rajeeyay in uu Guul ka gaadhi doono doorashada sii uu ugu guuleesto hanashada hogaanka dalka Somaliland .

Ugu Danbeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanu dhalinyarada uga mahad-naqay casho sharaftan ay ku sharfeen, isagoo ku booriyay in ay dadaalka halkaasi ka sii wadaan .

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Suldaan Abu-sufyaan uu noqday nal iyo iftiin ka soo baxa Xaafadaasi, isagoo ku amaanay kaalinta uu suldaanku ku leeyahay horumarka dhanka waxbarashada ee xaafadaasi ka jiraa .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa gobogabadii Xafladaasi lagu gudoonsiiyay Shahaado Sharaf, lagu maamusay oo uu ku mutaystay tacab iyo dadaal badan oo uu muddo dheer galinayay Xaafadaasi .

 

 

img_1288 img_1291 img_1292 img_1300 img_1303 img_1315 img_1321 img_1326 img_1331 img_1336 img_1340 img_1346 img_1362 img_1367 img_1371 img_1377 img_1381 img_1352 img_1347

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here