Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Soo Dhaweemo Balaadhan Kala Kulamay Deegaannada Gobolka Sool...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Soo Dhaweemo Balaadhan Kala Kulamay Deegaannada Gobolka Sool + Sawiro

18
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanka Adhi-Cadeeye ee Gobolka Sool .

Waxaana Gudoomiyaha kaga hor tagay Duleedka Magaalada Adhi-Cadeeye Qeybaha bulshada kala duwan sida Madax Dhaqameed, Haween Iyo Dhalinyaro, kuwaas oo kor u lulay caleemo qoyan, kuna dhawaaqayay Ereyo muujinaya kalgacalka ay u qabaan Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Xisbiga UCID .

Intaasi Ka dib Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka qeyb galay Shir Balaadhan oo loo qabtay Madax Dhaqameedka iyo Odayaasha ka soo jeeda Deegaannada Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag-bari, waxaanu halkaasi ka jeediyay Khudbad DHeer oo taariikhi ah .

Gudoomiyaha ayaa Khudbadiisa kaga hadlay Qiimaha ay leedahay midnimada, isagoo ku Dardaaray in ay wax la qabsadaan Shacabka Reer Somaliland .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa kale oo uu sheegay isla markanaa uu garaabay tabashooyinka ay soo bandhigeen Odayaasha iyo Madax Dhaqameedkaasi, isagoo sheegay in uu xukuumadda ku ilaalin doono heshiiska ay wada galaan Xukuumadda iyo Madax Dhaqameedkaasi .

Ugu danbeen wuxuu ugu baaqay Madax Dhaqameedkaasi in ay si mug leh uga qeyb qaataan shirka nabadeed ee shan iyo labtaanka bisha sideedaad ka dhici doona Burco ee uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha Somaliland .

Gudoomiyaha XIsbig UCID ayaa caawa ku soo hoyday Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool

 

 

Muuqaalka Khudbadda Wararkayaga Soo Socda Ayaanu Idinka Soo Gudbinaynaa .

 

 

 

IMG_6683 IMG_6692 IMG_6695 IMG_6698 IMG_6702 IMG_6707 IMG_6709 IMG_6711 IMG_6713 IMG_6716 IMG_6726 IMG_6727 IMG_6737 IMG_6758 IMG_6762 IMG_6775 IMG_6791 IMG_6800 IMG_6813 IMG_6836 IMG_6856 IMG_6857 IMG_6859

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here