Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Muxaadaro (Public Lecture ) U Jeediyay Qaar Ka...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Muxaadaro (Public Lecture ) U Jeediyay Qaar Ka Mid Ah Labeenta Iyo Haldoor-Ka Dhalinyarada Ku Dhaqan Caasimadda Hargaysa + Sawiro

21
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID ayaa Public Lecture U jeediyay, Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta da’yarta ah ee ku dhaqan Magaalada Hargaysa .
Kulan aqooneed-kan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah labeenta iyo Haldoorka Dhalinyarada Caasimadda Hargaysa .
Gudoomiyaha ayaa halkaasi ka jeediyay Public Lecture ku Saabsan “ Somaliland The Way Forward” oo ah, Somaliland Halkee ayay u socota .
Waxaanu Gudoomiyuhu Lecture-kan uu ku soo bandhigay, kagana waramay Sooyaalkii taarikheed Ee ay Somaliland Soo martay, isagoo mid walba wakhtigeedii iyo waayaheedii uu mid walba dul istaagay .
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka hadlay Mustaqbalka Somaliland iyo sida lagu gaadhi karo, isagoo meelo badan ka istaagay, waxaanu rajjo fiican ka muujiyay Mustaqbalka Somaliland, waa Hadii si fiican looga hawlgalo .
Gudoomiyaha, ayaa muddo ku siman laba saacadood jeedinayay Lecture-kan, isagoo markii danbena jawaabo waafi ah ka bixiyay, su’aalo kala duwan oo ay dhalinyaradu ay waydiiyeen Gudoomiyaha .
Kulankan aya ah mid noociisu cusubyahay, oo ay soo agaasimeen Dhalinyaro aqoonyahan,kaas oo ujeedadiisu ahayd, sidii looga faa’idaysan aqoonta iyo taariikhda ku duugan Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .
Ugu danbeen Dhalinyaradii ka soo qeyb gashay Kulankan ayaa si wayn ula dhacay Public Lecture-kan uu u jeediyay Gudoomiyuhu, iyagoo tilmaamay in ay wax badan ka kororsadeen Lecture-ka Gudoomiyaha, kana gunteen taarikho badan oo dalku soo maray .

 

img_1628 img_1630 img_1633 img_1636 img_1637 img_1638 img_1639 img_1640 img_1641 img_1643 img_1649 img_1651 img_1653 img_1654 img_1685 img_1686 img_1693 img_1694 img_1695 img_1698 img_1699 img_1700 img_1701 img_1705 img_1708 img_1711 img_1713 img_1714 img_1715 img_1721 img_1723 img_1728 img_1729 img_1730 img_1738 img_1740 img_1741 img_1742 img_1744 img_1748

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here