Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Lacag Dhan 5000 Dollar Ku Wareejiyay Guddida Af-Garad...

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Lacag Dhan 5000 Dollar Ku Wareejiyay Guddida Af-Garad .

20
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lacag dhan 5000 Dollar ku wareejiyay Guddida Horumarinta Af-Garad .

Lacagtan ayaa ahayd tii uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka ballan qaaday Xafladii Wan-qasha Degmada Cusub ee Gumburaha Ee Gobolka Hawd .

Waxaana madashi lacagta lagu wareejinayay ku sugnaa Af-hayeenka Guud Ee Xisbiga UCID Maxamed Xasan Shabaash, Gudoomiyaha Guddida Af-Garad Ee Beelaha Arab Dr Maxamed Warsame Ducaale iyo Xubno ka mid ah Guddida Af-Garad .

Gudoomiyaha Guddida Af-Garad Dr Maxamed Warsame ayaa Uga mahad-naqay Gudoomiye Faysal sida uu u fuliyay Ballanqaadkii uu sameeyay, isagoo ku amaanay doorka uu Gudoomiyuhu ka qaato horumarka dalka .

 

 

img_8741 img_8743 img_8745 img_8746 img_8748

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here