Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Dhagax Dhigay Riigii...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Maanta Dhagax Dhigay Riigii Banka Qoolcaday + Sawiro

18
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasibad lagu dhagax dhigay Riig Biyo ka soo saari doona Banka Qoolcaday .

Riigan oo qeyb ka ah Mashruuca Banka Qoolcaday ee ay maalgalinayso Hay’adda SDF ee horumarinta Somaliland .

Waxaa sidoo kale Madashan ku sugnaa Wasiiro, Madax Dhaqameed iyo Madax Ka socotay Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland .

Ugu horeen waxaa si wada jir ah u dhagax dhigay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysaa ka jeediyay madashaasi .

Gudoomiyaha waxaa uu soo dhaweeyay Mashruucan, isagoo ku tilmaamay mid faa’ido balaadhan u leh Bulshadaa Deegaankaasi .

Gudoomiyuhu ayaa hoosta ka xariiqay Dhibaatada ay ku hayaan Dad iyo xoolaba Seeraha la ootay, isagoo ku baaqay in wax laga qabto arrintaasi .

Gudoomiyaha ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ay isku kalsoonaato oo ay wixii bulshada u dan ah gacan dawladnimo ku fuliso .

 

Halkan Ka Dhagayso Khudbadii Gudoomiye Faysal Oo Dhameestiran .

 

 

Halkan Gujji Si Aad Codka Gudomiyaha U Dhageesato

 

 

IMG_3000 IMG_3003 IMG_3005 IMG_3008 IMG_3010 IMG_3043 IMG_3045 IMG_3049 IMG_3062 IMG_3090 IMG_3100 IMG_3116

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here