Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Qeyb Galay Xafladda...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Qeyb Galay Xafladda Caleemo Saarka Suldaanka Guud Ee Beesha Ibraahim Sheekh Isaxaaq (San-Buur) + Sawiro

24
0

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Wafti Balaaadhan oo uu Hogaminayay oo muddooyinkii u danbeeyay safar shaqo ku joogay Gobolka Togdheer ayaa Maanta Deegaanka Beer ee Duleedka Burco kaga qeyb galay Xaflad Balaadhan oo lagu caleemo saarayay Suldaanka Guud Ee Beesha Ibraahim Sh.Isaxaaq (San-Buur) .

Munaasibadda Caleemo saarka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Labeenta Somaliland sida Madax Dhaqameedka , Culimada,Siyaasiyiinta, ugu caansan Somaliland .

Waxaana halkaasi laga jeediyay Khudbado kala duwan oo ku qottoma Duco iyo dardaaran loo jeediyay Suldaanka Cusub ee la Caleemo Saaray .

Sidoo kale waxa si isku mid ah la isaga daba maray Shakhsiyadda Suldaanka oo lagu tilmaamay  nin culimo ah oo umaddiisa wax badan soo taray, isla markaana ku haboon Masuuliyaddaasi loo igmaday ee Suldaannimo .

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Boqor Buur-Madaw) oo halkaasi ka jeediyay khudbad si wayn loola dhacay, isla markaana taabanaysay Dhinacyo badan ayaa Xisbiga Ucid iyo Gudoomiyaheeda ku amaanay sida ay u soo Sharfeen Munaasibaddan, Maadaama Bu yidhi uu Gudoomiyihii Xisbiga Ucid uu ku suganyahay Xafladda Halka Xisbiyada Kale ay qaarkoodna soo Direen ku Xigeenno qaarna aanay kaba soo xaadirin .

Sidoo Kale Boqor Buur Madaw ayaa cod dheer ku sheegay in Beesha Habar-Jeclo ay Ixtiraam wayn u hayaan Gudoomiyaha Xisbiga Ucid .

Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa ku caano shubay isla markaana caleemo saaray Suldaanka Guud Ee Beesha Ibraahim Sheekh Isaxaaq(San-Buur) .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo khudbad halkaasi ka jeediyay ayaa Bogaadiyay Suldaanka Cusub, isagoo sheegay in Suldaankani yahay mid la soo xulay oo aanu ahayn mid isagu is caleemo saaray .

Sidoo kale Gudoomiye Faysal Waxaa uu Sheegay In Beeshani  ka mid tahay Taageerayaasha Xisbiga Ucid .

Ugu danbeentii Gudoomiyaha ayaa Ku Dardaaray Suldaanka in uu noqdo Suldaan Dadkiisa Wax Tara oo horumarka kala shaqeeyaa .

 

 

IMG_1324 IMG_1325 IMG_1326 IMG_1336 IMG_1360 IMG_1371 IMG_1374 IMG_1376 IMG_1381 IMG_1389 IMG_1390 IMG_1415 IMG_1422 IMG_1425 IMG_1430 IMG_1438 IMG_1440 IMG_1445 IMG_1450 IMG_1474

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here