Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Puntland C/Samad Cali Shire Iyo Siyaasiyiin Kale Oo Miisaan Ku Leh Gobolada Bariga Somaliland .

22
0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta hadhimo sharafeed ku maamuusay Madaxweyne ku Xigeenkii hore ee Puntlnd Mudane C/samad Cali Shire .

Waxaana Hadhimo sharafeedkan ku sugnaa siyaasiyiin miisaan ku leh gobolada bariga Somaliland, oo ay ka mid ahayeen Wasiirkii hore ee shaqada Mudane Cali Sandule, Wasiirkii hore Biyaha Xuseen Axmed Cabdale , General Boodhle, sidoo kale waxaa madashan ku sugnaa madax kale oo uu ka mid aha Generaal Cumar Kirix .

Kulankan ayaa nuxurka qodobadii la isla soo qaaday uu biyo dhacoodu ahaa, sidii looga wada shaqeen lahaa dhisidda qaran la wada leeyahay oo cadaalad ku dhisan .

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in door muuqda laga qaato gogosha nabadeed ee uu Madaxweyne Siilaanyo fidiyay, ee Burco ka dhici doonta .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa bogaadiyay sidii Deegaannada Gobolka Sool ay uga qabsoontay Diinwaangalinta Cod-bixiyayaasha .

Geest kale Madaxweyne ku Xigenkii hore ee Puntland C/samad Cali Shire ayaa Gudoomiye Faysal uga mahad naqay hadhimo sharafeedka uu ku maamuusay .

 

o1 o2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here