Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Caawa Ka Qeyb Galay...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Caawa Ka Qeyb Galay Kulan Dhex Maray Axsaabta Somaliland Iyo Safiiro Ka Socday Dawladda Jarmalka + Sawiro

18
0

Kulankan caawa oo ahaa casho sharaf ka dhacday Ambasador Hotel Ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qeyb Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Dhigiisa labada Xisbi Ee Kulmiye Iyo Waddani, Waxaa iyaguna kulankan ku sugnaa Wafti ay hogaaminayso Safiirka cusub ee Jarmalku u soo magacaabay Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Jutta Frasch, oo fadhigeedu yahay Nairobi.

Waxaana Gudoomiye Faysal Cali Waraabe kulankan ku wehelinayay Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID .

Madaxda axsaabta Somaliland iyo safiirka oo dhankeeda ay la socdeen dublamaasiyiin kale waxay ka wadahadleen arrimo badan oo la xidhiidha iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, mucaawanada iyo taageerada dawladda Jarmalku siiso Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland. Waxaannu ku dhammaaday isafgarad iyo dardaaranno labada dhinac ku kala tageen.

 

ca1 ca2 ca3 ca4

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here