Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ballan Qaaday In Uu...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ballan Qaaday In Uu Kaabi Doono Mushaharaadka Shaqaalaha Ka Hawl Gali Doonaa Cusbitaalka Balli Mataan Sidoo Kalena Ka Qeyb Galay Munaasibado Xadhiga Lagaga Jarayay Mashaariic Laga Hirgaliyay Salaxley Iyo Balli-Mataan + Sawiro

16
0

Gudoomiyaha XIsbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyeen Masuuliyiin ka tirsn Xisbiga UCID ayaa ka qeyb galay Munaasibado xadhiga lagaga jarayay Mashaariic horumarineed oo dadka deegaanku qabsadeen, isla markaana laga hir galiyay Deegannada Balli-Mataan iyo SALAXLEY .

Ugu horeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu ka qeyb galay Munaasibad xadhiga lagaga jarayay Cusbitaal laga hirgaliyay Deegaanka Balli-Mataan oo ay hir galisay Hay’ad la yidha Nahda .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay Hay’adda hir galisay Cusibtaalkan, isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay in la horumariyo lana dhiso baahiyaha aasaasiga ah ee caafimaadku ka midka yahay .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa halkaasi ka ballan qaaday in uu kaabi doono mushaharaadka shaqaalaha ka hawl gali doona cusbitaalka Balli-Mataan .

Geesta Kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxaa uu ka qeyb galay Munaasibad Xadhiga lagaga jarayay Dhismayaal waawaayn oo lagu kordhiyay Cusbitaalka SALAXLEY oo ay dhismihiisa hir galiyeen Ururka HAYAAN ee Fadhigiisu yahay CANADA .

Gudoomiyaha ayaa Halkaasi ka jeediyay Khudbad dhinayco badan taabansay, isagoo ugu horeeenba bogaadiyay Ururka Hayaan ee dhismahan Hirgaliyay .

SIdoo kale Gudoomiyaha ayaa u dardaaray in shaqada Cusbitaalka la wada oo la ilaaliyo nadafadiisa iyo dawadiisaba .

Ugu Danbeentii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu shahaado Sharafyo Gudoonsiiyay Ururada horseedka ka ah Horumarka Deegaannada Hoos taga Salaxley ee kala ah , NAHDA, HAYAAN, GAAROODI .

 

Khudbadii Gudomiye Faysal Cali Waraabe Shalay Ka Jeediyay SALAXLEY .

 

 

_MG_2413

_MG_2438

_MG_2441

_MG_2444

_MG_2481

_MG_2556

_MG_2572

_MG_2577

IMG_2375

IMG_2379

IMG_2605

IMG_2607

IMG_2608

IMG_2616

IMG_2699

IMG_2706

IMG_2724

IMG_2785

IMG_2789

IMG_2793

IMG_2808

IMG_2809

IMG_2814

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here