Home Wararka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka Sweden Ibraahim Cali Kirix (Faacuul) Oo...

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka Sweden Ibraahim Cali Kirix (Faacuul) Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargaysa +Sawiro

19
0

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Dalka Sweden Ibraahim Cali Kirix (Faacuul) ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Dalka .

Waxaana soo dhaweenta Masuulkan ka qeyb qaatay Masuuliyin sar-sare oo ka tirsan Xisbiga UCID .

Waxaana ugu horen halkaasi kalmado soo dhaween ah ka yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Salaf iyo Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C/laahi .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka Sweden Ibraahim Cali Kirix (Faacuul) ayaa si wayn ugu mahad naqay dhamaan masuuliyiintii soo dhaweesay, waxaanu sheegay in dalka hooyo yahay  lama huraan .

Gudoomiye Kirix waxa uu tilmaamay in qarankan la wada leeyahay oo saddexda Xisbi Qaran-ba ay meel kaliya u wada ordayaan oo ah danta guud ee  qaranka .

Gudoomiyuhu wuxuu meesha ka saaray oo uu nasiib Darro ku tilmaamay in uu XIsbi Gaar ahi uu sheegto waxaa Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Sweden ka soo shaqeesay .

Geesta kale Gudoomiye ibraahim Kirix wuxuu jawaab adag ka bixiyay Hadal ka soo yeedhay Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo hore u sheegay in Madaarka Hargaysa cid gaar ahi leedahay, isagoo sheegay in Madaarka uu yahay Meel qaran oo dalka oo dhan u dhaxeeya .

 

 

Halkan Hoose Ka Eeg Codka Gudoomiyaha

 

 

 

 

Gujji Halkan Sii Codka Aad U Dhagaysato

 

 

Muuqaalka Warkan .

 

 

 

IMG_2943

IMG_2944

IMG_2946

IMG_2949

IMG_2950

IMG_2951

IMG_2953

IMG_2957

IMG_2958

IMG_2967

IMG_2971

IMG_2975

IMG_2989

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here