Home Wararka GUDDOOMIYAHA UCID EE MA DAALAHA AH ENG FAISAL ALI HUSSEIN OO SHEFIELD...

GUDDOOMIYAHA UCID EE MA DAALAHA AH ENG FAISAL ALI HUSSEIN OO SHEFIELD U IMANAYA HAWLIHII ICTIRAAFKA ISAGOO MARTIQAAD KA HELAY GOLEHA DEGAANKA SHEFIELD :

14
0

GUDOOMIYAHA UCID EE MA DAALAHA AH ENG FAISAL ALI HUSSEIN OO SHEFIELD U IMANAYA HAWLIHII ICTIRAAFKA ISAGOO MARTIQAAD KA HELAY GOLEHA DEGAANKA SHEFIELD :DSCN4659

Hargeysa (UCID-Media Group)Guddoomiyahani waa gudoomiye u heelan danta qarnka Somaliland oo ay ku suntantay jeceylka uu dalka hooyo u qabo , waa dal loo dhibay isaga aawadii waa dal loo xidhay waa dal uu u dhibtooday intuu noolaa taasoo aanu la kulmeen marnaba haduu haysan lahaa dalkan uu maanta madaxda ka yahay .
Aadmiga hadii la dhibo dhibtuu ku cibro qaataa oo wuu ka war wareegaa inuu mar labaad halkaas dhib kala kulmo taasoo xikmadi tilmaantay “ Muuminka laba jeer god lagama wada qaniino .
Dalkani halgan caqli buu u baahanyay , mid aqooneed buu u baahanyay , fikir siyaasiyoo aragti fog ku salaysan buu u baahanyay , isku wadid dad buu u baahanyay , wada noolaanshiyo isku duubniyuu u baahanyay , taasuu wax ku goosan karaa , ku jiri karaa , ku muuqan karaa .
Gudoomiyuhu isagoo intaasiba ka muuqato oo u xusul duuban taas sidii loo xaqiijin lahaa ayuu dhulka gaaf wareegayaa , aanu nasanayn , aanu daalayn ilaa aniga iyo rag aanu asxaab nahay xisbigana aanu ka wada tirsanay markaanu ka yaabnay ku sifaynay hogaamiye ma daale ah .
Hadaba isagoo daba socda barnaamijkii uu kasoo qaaday Dalka maraykan USA ee road map ka ayaa waxa ka dhashay dhaqaaq ama maayad dhaqaajinaysa siyaasada Somaliland ee dibada taasoo u baahan sharci iyo in lagu doodo heshiis yada caalamiga ah ee bulsho ku noqoto dawlad ka tirsan beesha caalamka .
Gudoomiyuhu waxuu shir la geli doonaa goleha degaanka ee magaalda Shefield halkaasoo uu kula kulmi doono gudida dhaqaajisay dhinbiishan hursan ee baxaysa ee ka bilaabantay dalkan UK si loo sii dardar geliyo ilaa heer dawlada UK la dareensiiyo xawaaraha rabitaanka shacabka Somaliland oo u dhan taasoo aad ka arkaysid mucaarad iyo dawlad sida loogu midaysan yay iyadoo isku duubni wax lagu gaadhi karo .
Gudoomiyaha waanu soo dhawaynaynaa ka xisbi ahaan UCID Beri khamiista 12/05/2016 isagoo ka soo degi doona madaarka Magaalada London ee Heathrow iyo ka shacab ahaanba reer Somaliland ee dalkan UK , si aynu u gaadhno ujeedooyinkeena fog ee siyaasada dal jirkan dahsoon si uu helo ictiraaf duwaliya oo la jaan qaada caalamkan casriga ah Contemporary World ee heshiisyada ku dhisan Internatinal conventions la’aan toodna geedkaa aan la gaadhayn .
Somaliland Guul .
Allah mahad leh .
Xoghayeha Abaabulka iyo Wacyigelinta UCID
Mudane Abdilahi Sheikh Xasan Dayaan ( Kaiser )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here