Home Wararka GUDDOOMIYE Eng FAISAL ALI HUSSEIN OO KUSII JEEDA DALKI HOOYO :

GUDDOOMIYE Eng FAISAL ALI HUSSEIN OO KUSII JEEDA DALKI HOOYO :

20
0

GUDDOOMIYE Eng FAISAL ALI HUSSEIN OO KUSII JEEDA DALKI HOOYO :cabdilahi_2

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiye Eng Faysal Ali Hussein , oo maalintii Axadii kasoo anbabaxaya Abaaro 15;00 galabnimo dalka Finland isago guddomiyuhu safar shaqo siyaasadeed u ku gaadhay dalka Maraykan ka halkaasoo uu kula kulmay jaaliyada somaliland iyo madaxda xisbiga UCID .

Guddoomiyuhu waxa uu kulamo la yeeshay oo kale Madaxda Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka halkaas oo uu ku siiyay nuqulo ay ku duuganyiin Siyaasada Somaliland taasoo ku suntantay khariidada Road Map ka hada jira ee ku salaysan xuduudaheedii 1960 kii .

Daljirkan Dahsoon ayuu ugu nuuxnuuxsaday siday uga goantay Shacabka somaliland jiritaanka iyo siyaasada gobolka doorka ay ku leeyiin lkn in marka hore la gula dhaqmo siyaasada daljirka dahsoon ee somaliland .

Sidaasoo kale waxa uu la kulmay madaxda arimaha dibada ee dalka Finland , iyadoo markastana ay ku wehelinayeen shirarkaa uu la laha madaxda dalalkaa kala duwan ee USA IYO Finland bulshada Somaliland ee jaaliyada ku ah dalalkaas .

Guddoomiyuhu waxa ka go’an in qadiyada lagu raadiyo si wada jira si loo raadiyo qadiyad loo midaysanyay oo loo dhanyay halka axsaabta kale iyo siyaasiyiinta kale uu kaga duwanyay arintaas , waana dhaliilaha ka muuqda madaxda kale ee axsaabta qaranka .

Anaguna waan ku garab taaganay fikirkaa balaadhan ee uu qabo waananu la qabnaa in qadiyada Daljirka Dahsoon e Somaliland loo raadiyo si balaadhan oo mugleh si looga gaadho horumar la taaban karo oo buuran .

Guddoomiyuhu waxuu ku hakandoonaa dalka imaaraadka waxaanu usii dhaafidoonaa dalkii hooyo insha Allah oo uu ka bilaabidoono hawlaha xisbiga dardarna galindoono arimaha xisbiga gudo iyo dibadba siyaasada dalkana kaalintiisa u ka ciyaari doono .

Guddoomiyaha Alleh Ha Nabad Geeyo Amiin Amiin .

Allah mahadleh ,

Xoghayeha Abaabulka iyo Wacyigelinta Xisbiga UCID ,

Mudane Abdilahi Sh.Hassan Dayaan ( kaiser ) .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here