Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Abaalmarino Guddoonsiiyey Saddex Muwaadin

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Abaalmarino Guddoonsiiyey Saddex Muwaadin

14
0

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Abaalmarino Guddoonsiiyey Saddex Muwaadin

Hargeysa (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Xuseen’ ayaa Shahaadooyin gudoonsiiyey Kuna Abaalmariyey 3-dii Muwaadin ee ku hormuudka u ahaa Kacdoonkii Shacabka Somaliland kaga hor yimaadeen Tubaakaddii Halista ahayd ee Jamhuuriyadda Somaliland la doonaayey in loo Iibkeeno ee Tubaakadda loo yaqaano (LYFT) taas oo sabab u noqotay aakhirkii inay Dowladda Somaliland dalka ka mamnuucdo gebi ahaan Tubaakadaasi.

Xafladda uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu Abaalmarinta Saddexdan muwaadin ku gudoonsiiyey ayaa ka qabsoontay Xafiiskiisa Xisbiga Ucid Magaaladda Hargeysa waxaanay Saddexda Muwaadin kala yihiin Xoghaye Yusuf Kayse Abdi Laahi’ Suxufi Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Akram Cabdala oo ah Wiil Muwaadin reer Somaliland iyada oo saddexdan shaqsi Muwaadin gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu sheegay inay ku mutaysteen Abaalmarinta uu siiyey shaqada ay umaddooda sida mutadawacnimada ugu qabteen ee ay dhibaatada Tubaakadani iyo Saamaynta ay dalka iyo dadkaba ku yeelan lahayd ee Xun ay kaga hortageen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here