Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen oo kahadlayay wararka sheegaya...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen oo kahadlayay wararka sheegaya imaatinka madaxweynaha Somaliya Farmaajo ee Hargeysa ayaa yidhi sidan . “

15
0

(Hargeysa UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen oo kahadlayay wararka sheegaya imaatinka madaxweynaha Somaliya Farmaajo ee Hargeysa ayaa yidhi sidan .

“Farmaajo Imaatinkiisa in lana la hor yimaadaaba nama qabato , Farmaajo wuxuu Somaliland kasoo doonikaraana majirto , madaxweynuhuna inuu nadhex keeno raygaa may ahayne waxay ahayd inuu markaba daafaco ayay ahayd “.

” Nin aan Galmudug tagi kareyn oo yidhaa Hargeysaan tagaya adeer taa ogolaan meyno “
Guddoomiye Faysal Cali waraabe oo sii watey waraysigan uu siiyay idaacada Voa ayaa sidoo kale kahadlay mawqifka ka xisbi ahaan uga meel yaala waxaanu yidhi .

” Arintana mid Muuse lala xisaabtamo ayay noqonaysaa oo shacabka Somaliland la xisaab tamaan hadii uu dalkii halkaa marinayo , oo layidhaa farmaajaa imanaya Hargeysa , khamiistaan imanayaa dalkii shir qaran oo deg degaan ka galeynaa arintaasi .”

” Farmaajiyo kooxdiisa dhalinyartaa ee uu meesha kusoo ururiyay ee Muqdisho qariibka ku ah la furi mayno wada hadal danbe , doorashada danbe ayaanu sugaynaa in dad wanaagsan oo caqli leh imaadaan “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here