Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin kamid...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin kamid ah Hogaanka Xisbiga iyo Xoghayayaasha Xisbiga ayaa Caawa ka qeyb-galay Xaflad balaadhan oo lagu shaacinayay looguna wanqalayay Murashax C.qaadir Axmed Batuun (Barre) oo u taagan doorashada golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex.

28
0

Hargeysa(UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Masuuliyiin kamid ah Hogaanka Xisbiga iyo Xoghayayaasha Xisbiga ayaa Caawa ka qeyb-galay Xaflad balaadhan oo lagu shaacinayay looguna wanqalayay Murashax C.qaadir Axmed Batuun (Barre) oo u taagan doorashada golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex.

Xafladdan oo ka dhacday Scandanivian Hotel, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay, Madax-dhaqameed, Odayaal, waxgarad, haween iyo taageerayaal tiro-badan.

Dhamaan mudantii iyo haldoorkii halkaas ayaa ka markhaati kacay aqoonta iyo kartida uu leeyahay Aqoonyahan C.qaadir Batuun, waxaanay ballan-qaadeen innay garab-istaagi-doonaan una codayn-doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here