Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , iyo wafti uu hogaaminayo...

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , iyo wafti uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Deegaanka Maydh ee Gobolka Sanaag.

14
0

Ceerigaabo ( UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , iyo wafti uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Deegaanka Maydh ee Gobolka Sanaag.

Waftigan ayaa wuxuu ka koobnaa, Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexad ee Xisbiga Ucid Saed Omar (#Siciid_ucid), Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Abdinasir Yussuf Osman iyo Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga Ucid Oo isugu jiray, Heer-qaran Iyo Heer-gobol.

Waftigan ayaa intii aanay gaadhin Deegaanka Maydh, waxay sii maray Deegaannada teedsan jiidaas, waxaanay dhamantood kala kulmeen soo dhawayn qiimo-badan.

Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa ka qadeeyay Deegaanka Maydh, kadibna waxaa dhacay kulan is xog-waraysi ah kaas oo la xidhiidhay xaaladda guud ee Deegaanka iyo Diinwaangalinta la filayo in ay Axadda dib uga furanto Gobolka Sanaag.

Ugu Dambayn, Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa Booqday Qabriga Sheekh Isaxaaq oo halkaas ku yaal, waxaanay u soo duceeyeen Sheekh iyo dhamaan dadka ku aasan halkaasi.

Gobolka Sanaag oo ah Gobolka Awoowyaasha maadaama laga soo tafiirmay ayaa ah Gobol Qadiimi ah, isla markaana qani ah, balse kuma arkaysid Deeganadaas Raad dawladnimo oo la taaban-karo, sida ay sheegeen odayaasha Deegaanku.

Waxaase xusid mudan in Deegaankaas laga dhisi-doono Dekked, taas oo la filayo in ay wax badan badasho deegaankaas iyo nolosha dadka ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here