Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa magaalada Gabilay kaga qeyb-galay...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa magaalada Gabilay kaga qeyb-galay Xafladda Shaacinta Murashax Dr C.rashiid Axmed Guuleed(Sumal) oo u taagan doorashada Golaha Wakiilada.

19
0

Gabiley (UCID-Media Group) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa magaalada Gabilay kaga qeyb-galay Xafladda Shaacinta Murashax Dr C.rashiid Axmed Guuleed(Sumal) oo u taagan doorashada Golaha Wakiilada.

Munaasibaddan oo ahayd mid si qurux-badan loo soo agaasimay, ayaa halkaasi wax khudbado kala duwan ka jeediyayay, Madax-dhaqameed, odayaal iyo waxgarad kale, waxaanay dhammaantood taageero mug leh u muujiyeen Dr C.rashiid Sumal.

Murashax Dr C.rashiid Axmed Guuleed(sumal) oo halkaasi ka hadlay, ayaa ballan-qaaday in uu dadkiisa daacad ugu shaqayn-doono hadduu guulaysto.

Ugu Dambayn, waxaa halkaas ka hadlay, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay in ay aqbaleen Murashaxan, waxaanu ku dardaaray deegaanka Murashaxu kaso jeedo in ay sameeyaan Midnimo, si ay u saaraan Murashaxooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here