Home Wararka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng faysal Cali Waraabe, ayaa maanta hadhimo sharafeed sagootin...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng faysal Cali Waraabe, ayaa maanta hadhimo sharafeed sagootin ah u sameeyey Safiirka Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya & Somaliland Danjire Nicolas Berlanga oo ay dhammaatay muddaddii shaqadiisa.

15
0

Hargeysa (UCID-Media Group)

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng faysal Cali Waraabe, ayaa maanta hadhimo sharafeed sagootin ah u sameeyey Safiirka Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya & Somaliland Danjire Nicolas Berlanga oo ay dhammaatay muddaddii shaqadiisa.

Waxaana kasoo qeyb-galay, Hoggaanka iyo masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI.

Guddoomiyayaasha Xisbiyada UCID Iyo WADDANI, Cabdiraxman Cirro Iyo Faysal Cali Waraabe, oo halkaasi ka hadlay, ayaa danjiraha uga mahadceliyey kaalintii uu ka geystay qabsoomidda doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacday JSL 31kii MAY 2021, iyo sida oo kale kaalmada dhaqaale ee ay Midowga Yurub ku bixiyaan mashaariicaha horumarineed ee laga fuliyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambeyn, Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku dardaaray Danjire Berlnage in ay halkaa ka sii wadaan kaalmada iyo taageerada Midowga Yurub ay la barbar taagan yihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here