Home Wararka Guddoomiyah Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Baaq U Diray Ciidamada...

Guddoomiyah Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Baaq U Diray Ciidamada Qaranka Somaliland

21
0

Waxaan idinka codsanaynaa inaad xeryihiinii ku noqotaan oo guddi soo dirataan,” Guddoomiyaha UCID.

Gabiley (UCID-Media Group)Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa baaq u diray Ciidanka Qaranka Somaliland, isagoo ku booriyay in ay xaaladda dejiyaan.

Eng. Faysal, wuxuu tilmaamay doorka ciidanka Qaranka Somaliland ku leeyihiin ilaalinta qaranimada iyo amniga iyo difaaca dalka.

“Waad ogtihiin maanta Wasiir iyo wasaarad shaqaysaa ma jirto dalka, marka laga reebo wasaaradda Maaliyadda oo wasiirka jooga Cashuurta ka ururiyo dadka.” ayuu yidhi.

Eng. Faysal, waxa uu sheegay meesha keliya ee Somaliland u fayoobayd inay ahayd ciidanka Qaranka oo maanta laga soo sheegayo tabashooyin, wuxuuna ugu baaqay in xaaladda dejiyaan.

“Waxaan idinka codsanaynaa inaad xeryihiinii ku noqotaan oo guddi soo dirataan, idinkoo si asluub iyo nidaam leh wixiina u heli kara qas hayna gelinina oo cadawga haynoo jebinina” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal oo ka hadlayaa arrimahaa halkan ka daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here