Home Wararka Gudaha Ka Eeg : Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhaween Ah Magaalada...

Gudaha Ka Eeg : Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhaween Ah Magaalada Burco Ugu Qabtay Taageerayaal Baaxad Leh Oo Ka Soo Digo Rigtay Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE + Daawo Sawirada

18
0

Waxaa Maanta Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Tog-Dheer ka qabsoontay Xaflad Soo Dhaween ah oo Xisbiga Ucid ku soo Dhaweenayay Taageerayaal Baaxad Leh oo ka soo Digo rogtay Xisbiyada WADDANI iyo Kulmiye kuwaas oo si rasmi ah taageerodoodii iyo cududooiba ugu biiriyay Xisbiga Ucid .

Xafladdan oo ahayd mid ilyartu is qabtay isla markaana loo soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Wafti balaadhan oo ka soo kicitimay Hargaysa oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, kaas oo ay xubno ka masuuliyiin ay ka mid yihiin Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Ee Xisbiga Mudane C/qani Salaf, Afhayeenka Guud ee Xisbiga Ucid Maxamed Xasan Shabaash, Xoghayaha Golaha Fulinta Axmed Kuwiik , Xoghayaha Dhalinyarada Ee Ucid C/shakuur Bidhaan, Sidoo kale waxaa munaasibaddani ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Ee Ucid Mudane Aadan Dirir, Madaxda Xisbiga Ucid Ee Gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag iyo Taageeraal kale .

Sidoo kale waxaa Xafladdan ku sugnaa Garabyadii Haweenka Iyo Dhalinyarada Ee ka soo Digo Rogtay Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE ee ku soo biiray Xisbiga Ucid .

Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Todheer Ee Xisbiga Ucid Aadan Dirir Waxaanu si kal iyo Laab ah u soo DHaweeyay Taageerayasha ku soo biiray Xisbiga Ucid .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu aad ugu Faraxsanyahay Taageerayashan iyo Garabyada miisaanka leh Gobolka Togdheer ee ku soo biiray Xisbiga Ucid  .

Madaxda Xisbiga Ucid Ee Heer Gobolka Gobol iyo Heer Degmo Ee Gobolada Bariga Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si farxadi ka muuqato Xisbiga Ugu soo dhaweeyay Taageerayaashaa ka soo digo Rogtay Xisbiyada WADDANI IYO KULMIYE .

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Tog-dheer Marwo Hadliya ayaa sheegtay in ay Xilalka ugu sareeya Garabka haweenka Ee Gobolka Tog-Dheer  ay ku soo dhaweenayso Xubnaha Miisaanka leh ee ku soo Biiray Xisbiga UCID .

Maro Safiye oo ku hadlaysay afka Haweenka ku soo biiray Xisbiga Ucid ayaa sheegtay in aanay aflagaado iyo dhaliil toona u jeedineen Xisbiyadii ay ka soo baxeen,  waxaanay sheegtay in Xisbiga Ucid Yahay halka ay maanta Bulshada Burco isha ku hayaan isla markanaa ay codkooda ula diyaarka yihiin .

Sidoo kale waxay ballan qaadday in taageero mug iyo miisaan leh ay la garab istaagi doonaan Xisbiga Ucid .

Afhayeenka Guud Ee Xisbiga Ucid Mudane Maxamed Xasan SHabaash oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay In ay si kal iyo laab ah u soo dhaweenayaan Taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga Ucid .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo gabogabadii xafladdaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysaa, isagoo ugu horeen halkaasi ka yidhi weedho soo dhaween ah oo uu ku soo dhaweenayay Taageerayaasha ka soo digo rogtay KULMIYE IYO WADDANI ee ku soo Biiray Xisbiga Ucid .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa soo Dhaweeyay Heshiiskii Dp World ay la gashay Somaliland ee lagu horumairnayo Dekedda Berbera, Waxaanu sheegay in heshiiskaasi noqon doono mid taariikhda u gala Madaxweyne Siilaanyo .

Gudoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay Doodda la galiyay Xuska 18 May,  ayaa waxaa uu sheegay in qofka Dood galiyaa 18 May uu yahay qof aan habeenna  jirin .

Sidoo klae Gudoomiyaha ayaa ku dheeraaday Hagardaamooyinka ay Somalia u maleegayso Somaliland, waxaanu sheegay in loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto Cid kasta  oo cadaw ku ah Qaddiyadda iyo gooni isu taagga Somaliland .

Ugu danbeentii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Bulshada Reer Burco u sheegay in Doorkani yahay Doorkii Xisbiga Ucid uu Talada Dalka Qaban lahaa,  waxaanu sheegay in Doorkii hore uu marti u ahaa Galbeedka Burco Balse uu Doorkan marti u yahay Bariga Burco .

Si kastaba ha ahaate waxaa xafladaasi Gunaanadkeedii lagu soo bandhigo ciyaaro Dhaqameed kala duwan oo Bulshada Reer Burco Dhaqan u leeyihiin iyo Suugaan lagu amaanay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Waxaanay Xafladdaasi ay ku soo Dhamaatay Jawwi Deggen Oo Farxadi ku dheehantahay .

 

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan .

 

IMG_0973 IMG_0980 IMG_0985 IMG_0987 IMG_0994 IMG_0995 IMG_0997 IMG_0998 IMG_0999 IMG_1044 IMG_1054 IMG_1060 IMG_1075 IMG_1076 IMG_1082 IMG_1087 IMG_1095 IMG_1109 IMG_1121 IMG_1137 IMG_1143 IMG_1169 IMG_1176 IMG_1178 IMG_1179 IMG_1197 IMG_1248 IMG_1261 IMG_1262 IMG_1278 IMG_1279

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here