Home Wararka Film Hindi Kulmiye Part 2 Iyo Gunaanadki New UCID! W/Q. Samia Muse

Film Hindi Kulmiye Part 2 Iyo Gunaanadki New UCID! W/Q. Samia Muse

20
0

Waxaan Laysku Ogeen Ninki Hoos Ka Unkaa Aftidayda Ma Haysto O Ansax Maaha Wixiiso!!!!!!!!!!!

samia_muse132

Aniga O Ah Godomiyaha Abaabulka Ucid Ee Qaarada Europe Samia Muse Waxaan Maanta Ka Raali galinaya Dhamaan Shacabka Somaliland ,Taageeraysha Sharafta Leh Ee Xisbiga Ucid Meel Kasta Ay Daafaha Aduunka Ka Joogaan Iyo Dhalinyaradi Isbadal Doonka Ah , Mashruuca Khilaafka Kadiska Ah Ee Xisbiga UCID O Ah Mashruuca Qarniga Ah Laguna Soo Gunaanadayo Xisbigi New UCID Iyo Demoqradiyadi Xisbiyada Qaran Iyo Somalilandba .

Khilaafka Kadiska Ah Ee Ucid O Socday 2 Bilood , Dhaawac Iyo Jahwereer Ku Riday Dhamaan Ummada Somaliland , Masuulinta Ucid , Taageerayaasha Ucid Iyo Dhalinyarada Isbedel Doonka Ah Waxa Ay Ku Soo Afjareen Odayaal Dhaqmeedki Laba Wax:
•Musharax Maaha Mudane Faysal Cali Waraabe Ee Waa Mudane Jamal Cali Xuseen?
•Guddi Cusub O Intii Hadhana Dhamayesa Ayaa Loo Xil Saari Doona , Taageerayasha Iyo Masuulinta Xisbigana Waxaan Leenahay Shaqadiini Halkii Ka Sii Wada ????

Haddii Aan Intaa Ka Dareen Celiyo Waa Wax Aano Wada Ognahay Wada Ogeen Inoo Godomiyaha Xisbiga UCID Yahay Mudane Faysal Cali Waraabe , Musharaxa Xisbiga UCID O Yahay Mudane Jamal Cali Xuseen!!??

Laakin Waxaanan Ogeen Haddii Aano Nahay Masuulintii Xisbiga UCID Waa Tartanka Golaha Dhexe Ee UCID?? Yaa Lala Tartamaya Golaha Dhexe ? Yaa Tartanka Ka Qayeb Ah? Ma Tartanki Golaha Dhexe Ee Ucidba Mise Wa Tartanki Golaha Dhexe Ee Kulmiye ?

UCID Wa Xisbi Qaran, Xubnaha Xisbiga UCID Wa Qaran , Masuuliinta Xisbiga Ucid Waa Qaran,Taageerayaasha Ucid Waa Qaran , Marka Waxay I Latahay KHilaafka UCID Waa Qaran Ee Maaha Laba Beelood !!! Laakin Maalinti UCID Iyo New UCID Ay Isku Biireen Heshiiskiina La Saxeexay Odayaal Dhaqmeedka Maanta Khilaafka Kadiska Ah Xalinaya Ayaa Heshiiskna Goob Joog Ka Ahaa , Odayaal Dhaqmeedkuna Waa Nabadii Somaliland Iyo Astaanta Sharafta Ah Ay Qawmiyad Walibaa Ku Faanta , Meel Bila Odayaal Dhaqmeedina Waa Meel Bila Go’aan Ah.

Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID Waa La Qaban Doona Inshaa Allah Laakin Waxa Lagu Ansixinaya Musharax Ku Xigeenka Xisbiga UCID , Gudomiye KU Xigeenka Labaad Ee Xisbiga UCID IYo Xubnaha Cusub Ee Lagu Buuxin Doona Kaalmaha Banaan.

Golaha Dhexe Wax Tartan O Yaala Godomiyaha Xisbiga UCID Iyo Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Ma Jirto Maxaa Yeelay Hora Loo Ansixiyay Labaduudaba Daliilna Waxa U Ah Heshiiski Lagu Hawl Galay.

Aniga O Ah Godomiyaha Abaabulka Ucid Ee Qaarada Europe Samia Muse, Waxaan Digniin O Diraya Dhamaan Qof Kasta O Xisbiga Ucid Ka Qayeb Qaatay Mashruuca Dumiska Ah Ee Ka Dhan Xukumada Somalialnad Iyo Kulmiye . Digniintaydana Waxay Ku Socota Dhamaan :
•Xisbiga Kulmiye
•Ganacsade Kulmiye
•Qadiyada Subeer Awal
•Ana Musharaxa Ah
•Golaha Dhexe
•Reer Hebel

Waxaan Dhamaan Leeyahay Dantiini Shaqsi Waxad Ka Hormariseen Danti Qaranka Somaliland , Demoqradiyadi Iyo Distuurki Somaliland Waad Aasteen Maanta Wallaahi. Dhamaan Jiilki Cusbaana Waxaad O Noqoteen Tusaale Xun O Kalsoonidi Shacabkana Meel Ayaad Kaga Dhacdeen Iyo Sharafti Qaranimo. Waxaana Leeyahay Si Deg Deg Ah Mashruucan Aad Ku Wadaan Xisbiga UCID Joojiya O Danta Qaranka Somaliland Yay Dayicin Intaad UCID Mashqoolka Ku Tihin .

Allaah Mahad Leh

Godomiyaha Abaabulka Ucid Ee Qaarada Europe

Samia Muse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here