Home Wararka Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan UK Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay...

Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan UK Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe

19
0

Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan UK Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali
London (UCid-Media Group) Dhalinyarada Reer Somaliland Ee ku Dhaqan Dalka UK Ayaa Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Magaalada London ugu sameeyay Casho-Sharaf .
Kulan-kan Casho-Sharafta ah ayaa daarnaa xog-waraysi dhex maray Gudoomiyaha Iyo Dhalinyarada, Iyadoo uu Gudoomiyuhuna uu halkaasi uga jeediyay Lecture, Ku saabsanaa Xaaladihii kala gaddisanaa ee uu dalku soo maray, Marxaladda uu hadda ku suganyahay iyo sida looga bixi karo .
Dhalinyaradan oo ka mid ah Haldoorka Iyo Labeenta Dhalinyarada Ku Dhaqan Dalka UK, ayaa aad ula dhacsana Siyaasadda Gudoomiye Faysal iyo halka uu ka taaganyahay Dalka, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay Dal-jire umaddiisa Daacad u ah, isla markaana Mudan in uu Dalkan Hogaaminno .
Muddooyinkii u danbeeyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu si wayn u soo jiitay Bulshada Reer Somaliland meel kasta oo ay ku dhaqan-yihiin, iyagoo Dhalinyarada Reer Somalialnd ay hadda u soo jeesteen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .
Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa muddooyinkii u danbeeyay Khudbadihiisa Iyo Dhaq-dhaqaaqyadiisuba ay si wayn u soo jiiteen Bulshada Reer Somaliland, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay Badbaadiyaha kaliya ee maanta marxaladdan dalka ka saari karaa .
Kulankan Casho Sharafta ah ayaa ku soo dhamaaday jawwi degen oo farxadi ku dheehantahay .IMG_0130

IMG_0131

IMG_0132

IMG_0133

IMG_0134

IMG_0135

IMG_0136

IMG_0137

IMG_0138

IMG_0139

IMG_0140

IMG_0141

IMG_0142

IMG_0144

IMG_0146

IMG_0147

IMG_0148

IMG_0150

IMG_0151

IMG_0152

IMG_0153

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here