Home Wararka Dawladda Kuwat Oo Ka Jawaabtay Qaylo-Dhaantii Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Isla Markaana Diyaaradii...

Dawladda Kuwat Oo Ka Jawaabtay Qaylo-Dhaantii Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Isla Markaana Diyaaradii Ugu Horaysay Ay Maanta Soo Cago-Dhigatay Madaarka Berbera + Sawiro

20
0

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa bilihi laga soo gudbay safar ku tagay Dalka Kuwait, si uu xaaladda adag ee abaaruhu sababeen ugu wargaliyay Dawaldaasi .

Waxaanu Gudoomiyuhu Dalka Kuwait kula kulmay hay’adda Bisha Cas iyo madax ka socotay Dawladda Kuwait, intaasi ka dib waxaa iyaguna safar kale ku tagay Dalka Kuwait Masuuliyiin Heer Wasiir ah oo ka socday Xukuumadda, kuwaas oo iyaguna u gudbiyay warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha .

Dawladda Kuwait ayaa ka soo jawaabtay, waxaanay soo dirtay Diyaaradii ugu horaysay oo sidday Deeq ka timid Dawladda Kuwait, taas oo maanta ka soo dagtay Madaarka Berbera .

Waxaana halkaasi kaga hortagay oo soo dhaweeyay, Madaxda Gobolka Saaxil, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xafiiska Sakada ee Somaliland .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay madaxii waftiga Kuwait oo halkaasi ka sheegay in ay sidaan Deeqdii ugu horaysay, isla markaana ay soo wadaan Deeqo kale .

Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Wasiirka Biyaha Somaliland oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa dawladda Kuwait u mahad-naqay .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanu u mahad-naqay Dawladda Kuwait .

Gudoomiye Faysal wuxu sheegay in abaartu ay marayso halkii ugu darnayd, waxaanu Dawladda Kuwait ugu baaqay in ay soo libin-laabaan Deeqaha ay ku caawinayaan Dadka tabaalaysan ee abaaruhu ku dhaceen .

Deeqdan ka timid Dawladda Kuwait ayaa kafeen doonta boqolaal qoys, iyadoo la filayo in todobaaddada soo socda ay Dawaldda Kuwait soo diri doonto diyaarado kale oo sida mucaawimooyin kala gaddisan .

 

IMG_4859 IMG_4867 IMG_4872 IMG_4873 IMG_4879 IMG_4886 IMG_4894 IMG_4900 IMG_4905 IMG_4907 IMG_4910 IMG_4911 IMG_4924 IMG_4935 IMG_4947 IMG_4957 IMG_4969 IMG_4981 IMG_4983

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here